BALIGUBADLE MEDIA
“Boqor Cismaan Waxa uu Ku Eedaysan Yahay Inuu Ku Kacay Qarandumis, Waxaana Loo Hayaa Marag Muujin Ku Filan” Afhayeenka Booliska JSL
April 20, 2018 - Written by admin

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay, Boqor Cisman Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland, waxaanay ciidamada boolisku Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ka qabteen hudheelka Maansoor oo uu ku sugnaa.

faysal xiis656

Dad goobjoog ahaa ayaa shabakadda wararka ee Barigaafrikanews u xaqiijiyay xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, waxaana isla xalay lagu falanqeeyey braha bulshadu ku kulanto.

“Ciidmada boolisku waxay soo xidheen Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw kaas oo lagu eedaynayo inuu galay dambi qarandumis ah, isagoo Puntland kaga dhawaaqay arrin qaranka jamhuuriyadda Somaliland liddi ku ah, isagoo faafiyey warar been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Ciidanka boolisku markii uu falkaas galay waxay bilaabeen baadhis aad iyo aad u qoto dheer way soo qabteen iyagoo xadhigiisa u maray sifo sharciga waafaqsan. Wuu xidhan yahay wuxu ku eedaysan yahay qodobka 212 iyo qodobka 328 waxaana loo hayaa marag muujin ku filan inuu dambigaas galay” sidaas waxa yidhi afhayeenka ciidamada booliska Faysal Xiis oo xlay warbaahinta la hadlay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS