BALIGUBADLE MEDIA
Barcelona Iyo Mancity oo Si Wada Jira Uga Hadhay Koobka Champion Leagu Iyo Damaashaadka Liverpool Iyo Roma.
April 10, 2018 - Written by admin

ooxda Barcelona ayaa ka hadhay tartanka xiisaha badan ee Champion League ka dib markii ay guul daro sadex gool iyo waxba ah kala kulantay kooxda reer talyaani ee Roma.

Is araga labaad ee labadan kooxood oo ka dhacay garoonka Kooxda Roma ayey kooxda Catalans haystay natiijo hore oo afar gool iyo hal ay kaga soo badisay kooxda Roma, taas oo u baahnayd oo kaliya inay ilaashato guushaas hore ee ay gaadhay.

Ciyaaryahanada kooxda Roma ayaa dedaal badan oo ay sameeyeen waxay ku guulaysteen inay guul muhiim ah gaadhaan isla markaana ay Barcelona ka reebaan tartanka xiisaha badan ee Champion League.

Ciyaaryahanada kooxda Roma ee kala ah Edin Dzeko, Daniele De Ross iyo Konstantinos Manolas ayaa kooxdooda u horseeday guusha weyn ee ay gaadhay ka dib markii ay dhaliyeen sadexda gool ee ay ku garaaceen Kooxda Barcelona.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa mar kale gaadhay guul ka dib markii ay laba gool iyo hal ku garaacday kooxda Man City oo ay marti ugu ahayd garoonkeeda Etihad Stadium

Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa haatan u gudbay wareega afarta kooxood ee Champion League iyada oo habeen dambena la rajaynayo inay soo baxaan laba kooxood oo kale.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS