BALIGUBADLE MEDIA
Balanqaad Dhawaan Ka Soo Yeedhay Kornayl Biixi oo Beenoobay + Kalsoonida Lagu Qabi Karo Hadaladiisa oo ay Saamayn Wayn Ku Yeelan Doonto
April 6, 2018 - Written by admin

balanqaad dhawaan ka soo yeedhay madaxwaynaha aan xukuumadiisa loo dhamayn kornayl biixi ayaa maalmo gaaban gudahood ku beenoobay

 

balanqaadkan oo ahaa inay xukuumaddu bilaash ka dhigtay waxbarashadda dalka ee lagu bixiyo dugsiyadda dawliga ah ayaa maalmo kooban gudahood ku beenawday waxaana kor u kac wayni ku yimi lacagta laga qaado ardayda dugsiyadda sarre iyo hoose ee dawladda kuwaas oo laga qaado lacago gaadhaya sodon kun oo shilinka somaliland ah dugsiyada hoose halka dugsiyadda sarre imika marayaan boqol iyo konton iyo shankun oo shilinka somaliland ah lacagtaas oo u dhiganta (15 dolar)

waxa kale oo iyaduna beenawday lacagtii laga qaadi jiray buugaagta ardayda wax ka barata dugsiyadda ee uu konrayl biixi sheegay inuu bilaash ka dhigay iyadoo halkii buug kor u kacay islamarkaana uu marayao 5 dolar

si kastaba ha ahaatee kornayl biixi waxa la gudboon inuu ugu yaraan bulshadda ka daayo hadaladda ku digashadda ah ee uu kaga faano fagaarayaasha islamarkaana aanay waxba ka jirin ee marka dambe beenta isku badala maadaama oo uu madaxwayne yahay waa inuu u fiirsadaa hadal kasta oo afkiisa ka soo baxayaa inaanu dhicisoobin si aanay meesha uga bixin kalsoonida lagu qabi karro isaga iyo xukuumadiisa tayadda xun ee aan loo dhamayn

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS