Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Guddoomiye Cusub Dooranaya
April 30, 2018 - Written by admin
Baarlamaanka Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah doortaan guddoomiyihii hogaamin lahaa, ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Ilaa iminka murashaxiin tiro badan ayaa isu diwaan geliyay in ay ku tartamaan doorashada Guddoomiyaha Aqalkaasi, waxaana ku jira xubno ahaan jiray wasiiro hasayeeshee xilalkoodii isaga casilay in ay isu taagaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.
Xubnaha ilaa iminka u taagan qabashada Xilka guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ayaa kala ah Ibraahim Isaaq Yarow, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibroow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Idiris Cabdi
Dhakhtar, Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan Cabdillaahi Nuur.
Gudoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay dhaceyso doorashada, isla markaana ay rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.
Hudheelada ku yaala Magaaladda Muqdisho ayaa xalay ahaa kuwo aad u Mashquul badan, waxaana ka socday hawlo lagu kala jiidanayo xildhibaanada maanta codkooda dhiibanaya.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS