BALIGUBADLE MEDIA
Aqoonyahan Cawaale Maxamed Daahir Oo Shaaciyay Hankiisa Musharaxnimo Ee Doorashada Golaha Wakiilada
April 29, 2018 - Written by admin

“Waxaan Ahay Murrashax U Taagan Doorashada Wakiilada Somaliland Ee Soo Socota”Cawaale Maxamed Daahir

Hargeysa(BGM):- Cawaale Maxamed Daahir  oo ah aqoonyan reer Somaliland ah,ayaa shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo socota.

awale9

Cawaale waxa uu sida ku sheegay inuu la tashi badan, kadib uu qaatay inuu  isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilalda.

Haddab, Qoraal kooban oo uu Cawaale soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah, waxaanu ku bilaabay sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 28/4/2018-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Deegaanka ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.”Ayuu yidhi  Cawaale .

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiilada  Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 2019-ka,waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS