BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Xilli ay Majaro Habaabisay Mashruucii Xumbo Wayne Indhaha Bulshadda Ku Jeedinaysa Mashruuca Indho Sarcaadka ah ee Geedeeble
March 7, 2018 - Written by admin

xukuumadda kornayl muuse biixi ayaa ku guul daraysatay inay meel kaga soo waranto mashruucii mudada dheer socday ee xumbo wayne kaas oo aan fashilmin balse ay carqaldeeyeen masuuliyiin muuse biixi kaw ka yahay oo ka tirsan xukuumadii hore iyo xisbiga kulmiye

news deg ah

mashruucan oo si waafiya u socday ayaa la ogyahay in si rasmiya ay u majaro habaabiyeen dad aan meel fog gaadhsiisnayn aragtidoodu oo ku fikiraya aragto gaaban oo qabiil

hadaba islamarkii xukuumaddu kornayl biixi ku dhawaaqday inuu fashilmay mashruucaasi ayay dardar galin ku samaysay mashruuca ay aad u danaynayaan kooxdii burburisay mashruucii hore ee xumbo wayne waxaana maalmihii u dambeeyay warbaahinta haystay indhosarcaadka lagu jeedinayo bulshadda ee geedeeble kaas oo maalin walba laga baahiyo warbaahinta si bulshadda loo ilawsiiyo mashruuca xumbowayne\

dhanka kale masuuliyiinta shirkadii qandaraaska ku qaadatay dhamaystirka mashruuca xumbo wayne ee alfalaax ayaa dalka yimi si ay bulshadda ugu soo bandhigaan halka laga daaray mashruucii xumbowayne iyo cida fashilisay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS