BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Farmaajo Oo Gudaha Somaliland Ciidamo Ka Qoranaysa Iyo Dhalinyaradii Reer Somaliland Oo Muqdisho Ku Sii Qulqulaysa
March 5, 2018 - Written by admin

Xogo uu wargeyska Somalilandtoday hellayo, ayaa tibaaxaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bilowday qorsha ay ciidamo kaga qoranaysao gudaha Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay u qaadayso magaalada Muqdisho,isla markaana lagu tababari doono halkaasi.

 

Qorshahan ay ciidamada kaga qoranayso gudaha Somaliland, ayaa la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay mid hore oo ay kal hore ciidamo kaga qoratay xukuumadda Soomaaliya deegaannada Bariga Somaliland.

Geesta kalena xoggoha aanu helayno, ayaa  sheegaya inay jiraan lacago cadad-badan oo loo balan-qaadayo dhalinyarta la kaxaynayo in la siin doono mushahar ahaan, kuwaasi oo ah kuwo lagu xero-gelinayo.

Qorshan ay ciidamadda kaga qoranayso gudaha Somalliland xukuumada Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ka socdo  badi gobollada Somaliland, waxaanu si xoogle uga socdaa gobolada Maroodijeex, Awdal Sanaag iyo Sool., iyadoo laga faa’iidaysanayo dhalinyarada camal la’aantu hayso reer somaliland iyo kuwo aan la dhacsanayn qadiyada Somaliland.

Gunaanadkii Waxa kale oo jira in dhalinyaradda reer Somaliland wiilal iyo gabdhoba ay habeen iyo meeliba kusii qulqulayaan koonfurta Soomaaliya, iyagoo aan si dhab ah loo ogayn ujeedada socdaalkooda,balse waxa loo baahanyahay in ay xukuumaddu il gaar ah ku hayso.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS