BALIGUBADLE MEDIA
Xoolaha Dayacan Dalkeena W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
March 8, 2018 - Written by admin

Waxa dalka Somaliland oo dhan iyo dhammaan soomaalida inteeda kale  ay dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin xoolaha nool  oo  la’aan tood aanay soomaalidu waxaba ahateen,
hadaba iyada oo ay sida tahay  ayaa Waxa suuqyada   magaalada hargaysa  aad ku arkaysa xoolo dariiqyada ama wadooynka tuban kuwaas oo isugu jira  riyo,   ido ,lo,, iyo meelaha xafadaha ah oo marmarka qaar ku arkaysid geel daaqaya ciinka iyo tiinka  magalada ku yaal  hadab marka laga reebo geela dhammaan inta  kale oo dhan waxa ay tuban yihiin meeleha shaarica ah tusale ahaan riyaha hadaad eegto waxa aad arkaysa iyga oo intooda badani ay wadooyinka garaabo loogu qubay cunaya ama biyaha uskaga ah ee wadooynka hudheeladu ku qubaan cabaya ka dibna aad arkayso qaar badan oo ay baabuurtu  kurta ka jareen ama ay jiidheen

Mida kale  waxa ay la qabsadeen baabuurta iyo dhammaan waxii guuxaya  oo dhan halkii ay ka didi lahayeen balse waxaba  ka sii daran  dadka wadooynka  wax  ugu qubaya  kuwaas oo aan dareemayn dhibaatada xoolaha ka soo gaadhaysa
Balse waxa kuwaasna  kasii daran dadkii dhaqaday iyagu  xoolahan kuwaas oon dhammantood  ka fikirin  meesha ay xoolahani ay ku noolaan  lahayeen  iyo  waxii ay cuni lahayeen toona,
gabagabadi  waxan u soojeedin laha dhammaan dadka iyagu xoolahan leh iyo kuwa wadooynka baabuurtu maryso wax ugu daadinaaya  in ay xoolaha sidan ka dayaan oo ay u tudhaan.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: [email protected]

COMMENTS