BALIGUBADLE MEDIA
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Oo Soo Gaadhay Dalka Itoobiya
March 8, 2018 - Written by admin

Xoghayaha arrimmaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa, halkaas oo uu kula kulmayo madaxda dalkaasi.

rex

Rex Tillerson oo booqashadiisi ugu horaysay ku maraya  qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika ayaa sidoo kale la filayaa in dalalkaasi uu kala hadlo xidhiidhka  kala dhaxeeya Mareykanka.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa imanaysa xilli qalalaaso siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka Itoobiya, kadib markii mucaaradka dalkaasi ay dhigeen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda, taasi oo horseeday iscasilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Mr Tillerson ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu booqdo dalalka Kenya, Jabuuti, Chad iyo Nigeria.

Khudbad uu jeediyay ka hor booqashadiisa gobolka ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu salluugsan yahay iskaashiga dhaqaale ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika, waxaana uu intaa ku daray in taasi keenayso isku filnaansho la ‘aan iyo musuqmaasuq.

Source:-BBCsomali

COMMENTS