BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Qaylo Dhaan Ka Soo Saaray Halis Soo Wajahday Biriishka Koowaad Ee Hargeysa
March 15, 2018 - Written by admin

Gudidii dhawaan xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ay u saareen baadhitaanka dawladaha hoose ee dalka ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saaray biriishka Hargeysa ee weyn oo halis ku jira.

biriishka hargeysa

Yuusuf Kayse Cabdilaahi xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid oo ugu horayntii halkaas ka hadlay ayaa ku dhaliilay dawlada hoose daawashada biriishka ugu mihiimsan ee isku xidha caasimada Hargeysa oo tiirarkii uu ku taagnaa ay dibada haatan u soo baxeen “Doraad ayaanu halkan nimid waxaanuna u imid biriishka Hargeysa oo sabadii ugu hoosaysay ay muuqato, intii aanu goobta taagnayan  ayaa ay cagaf ordaysaa degdeg u timi, oo cagafta oo golaha deegaanku uu soo diray

ay camuudii dooxa ayuunbay ku nabtay, waana khiyaamo qaran, taariikhda waa markii koowaad ee ay sabadaasi muuqato, biriishkani waxa uu ka mid yahay astaanta caasimada waanu dumayaa, golaha deeganaku malaa biriishan waxa ay eegayaan in shacabku sameeyo.”

Yoonis Axmed Yoonis xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga Waddani ayaa dhankiisa sheegay”Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada Somaliland iyo xukuumadaba in biriishkan oo khatar ku sugan yahay oo waa uu dumayaa, waa biriisha kaliyaata ee ay caasimadu leedahay ee aan mar kaliya la dayac tirin, jiridii hoose oo dhan waa ay soo baxeen waxa kaliya oo hadhay inuu haddii roob soo maro uu dumo, madaxweynaa iyo xukuumadaba waxaanu ugu baaqaynaa iyo shacbiga Somalilandba in biriishaka loo soo gurmado.”

Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani Nuuradiin Diini ayaa isaguna dhankiisa sheegay”maanta halkan wax weyn ayaa yaala oo biriishkii isku xidhaayay magaalada Hargeysa koonfur iyo waqooyi, ayaa go’aaya waana kii ugu muhiimsanaa.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS