BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Maareeyaha Wadooyinka Oo Shalay Dagaal Gacanta Iskula Tagay
March 8, 2018 - Written by admin

Khilaaf Xoogleh oo shalay gaadhay inay Gacanta iskula tagaan ayaa la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor iyo Mareeyaha Jidadka Wasaaraddaasi Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed oo dhawaan Madaxweynuhu magacaabay ,Khilaafkaasi oo la sheegay inuu salka ku hayo arimo ku saabsan dhinaca Awooda Maamulka iyo Wada Shaqaynta ka dhexaysa labadaasi masuul.

news3

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay inuu Khilaafkani jiro islamarkaana shalay lagu kala guntaday kadib markii ay gacanta iskula tageen,waxaanu sida lanoo sheegay uu ka abuurmay kadib markii ay labadani Masuul isku fahmi wayeen qaabka shaqada iyo awooda maamul ee uu mid waliba leeyahay halka ay ku egtahay,isagoo maareeyaha jidadka dhinaciisa uu ku andacoonayo inuu Magacaabis Madaxweyne ku yimid islamarkaana aanu Wasiirku u awood sheegan Karin.

Wararkan ayaa intaasi ku daray in dooda ugu badani ay ka imanaysa dhinaca Maareeyaha oo ku doodaya inuu isago maamulo wixii jidad ah islamarkaana uu u madax banaan yahay,arintaasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirka Wasaraddaasi Cabdilaahi Abokor.

Mareeyaha Hay’adda Jidadka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horurinta jidadka Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed ayaa maalin dhawayd waxa uu xanibay dhamaan Akawnadii ay lacaguhu u yaaleen Hay’adda Jidadka isagoo sida la sheegay daba socda Khilaafkan ka dhex aloosan isaga iyo Wasiirkiisa,Waxaanu amar ku bixiyay inaan wax lacag ah laga saari Karin Akawnadaasi illaa inta uu amar dambe ka soo baxayo Xafiiskiisa,arintaasi oo khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor cirka ku sii laayashay.

Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in dagaal gacan ka hadal ahi uu shalay labadani masuul ku dhex maray Wasaaradda dhexdeeda,balse ay ku kala guntadeen shaqaalaha Wasaaraddu islamarkaana markii dambe Labadoodaba looga yeedhay Madaxtooyadda. Wararkan ayaa intaasi u daray inay saacado badan shalay ku maqnaayeen Madaxtooyadda islamarkaana ay Madaxtooyaddu ku hawlan tahay inay xal rasmi ah ka gaadho khilaafkan oo la sheegay inuu todobaadadii u dambeeyay soo jiitamayay oo uu ku ekaan uun xafiisyada Wasaaradda gudaheeda.

Source: Foore

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS