BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Warfaafinta oo Jabiyay Awaamiir Hore Uga Soo Baxday Xafiiska Madaxwayne Kornayl Muuse Biixi
March 14, 2018 - Written by admin

Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo maanta ka hadlayay kulan uu la yeeshay shaqaalaha wasaaradaasi ayaa hawl-wadeenada wasaarada warfaafinta ku amray go’aan ka soo hor jeeda qaraar uu soo saaray Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane muuse biixi cabdi,halka uu sidoo kalena soo saaray awaamiir kale.

guribarwaaqo
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C.raxmaan guri barwaaqo ayaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta faray in             Shaqaalaha wasaaradiisu ay u jawaabaan madaxda dalka Somalia ‘’Mudooyinkanba Saxaafadu aniga ayay iga hadlaysay Waxaan ku amrayaa Shaqaalaha wasaaradda warfaafintu inay u Jawaabaan Madaxda dawlada federaalka somalia,waana inay Saxaafadda si fiican uga hadlaan’’.

Hadalkan uu maanta ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta Mudane C.raxmaan Guri barwaaqo ayaa burinaya go’aan uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane muuse biixi Cabdi oo uga digay mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha laamaha dawladu in aanay Warbaahinta ka wada hadal.

Dhanka kale Waxaa isweydiin mudan in Wasiirku aanu fahamsanayn Xilka qaran ee uu dalka u hayo maadaama uu yahay afhayeenka xukuumada isla markaana laga rabo inuu ka hadlo wixii qaranimada Somaliland lidiga ku ah ee ka soo yeedha cid kasta oo aan nasteex u ahayn Somaliland.

Geesta kale Mudane C.raxmaan C/laahi faarax guri barwaaqo waxa uu ku amray shaqaalaha wasaarada warfaafinta in laga bilaabo maanta aanay xarunta wasaaradaasi la soo geli Karin Kaamarado iyo Computarada Laptop-ka ah iyadoo Cidii la soo gashana ay kala wareegi doonaan Ciidanka boolisku.

‘’Wixii maanta ka bilaabma waxaan idiinku wargalinayaa in Shaqaaluhu aanay la soo geli Karin wasaarada Kaamaradaha wax lagu soo duubo iyo Computerada Laptop-ka ah ee Shaqaaluhu leeyihiin qofkii la soo gala waxaan idinla socodsiinayaa in qalabkoodaas ay Ciidanka boolisku kala wareegi doonaan, Sidoo kale shaqaaluhu ma tegi karaan xarumaha wasaaradaha dawlada kamana soo qaadi karaan dhacdo wareed oo aanaan ogayn,Waxaana hawshaas loo xilsaaray Xafiiska Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta’’

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse abees ayaa dhawaan sheegay inay nasiib daro tahay in Qaybta wararka ee Telefishanka qaranka uu yaalo hal Computer isagoo ka marag kacay in Computerada lagu Shaqeeyo iyo Kaamaradaha wax lagu soo duubo ay leeyihiin Shaqaalaha Telefishanku taas oo ku timid sida uu yidhi Maamul xumo taala xarunta wasaaradaasi.

Si kastaba ha ahaatee hadaladan is burinaya ee Ka soo baxay Madaxda sare ee Wasaarada warfaafinta ayaa muujinaya aqoon daro ka haysata hawlqabadka maalinlaha ah ee wasaaradaasi qaranka u hayso.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS