BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay Iyo Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi oo Markii Ugu Horaysay Laba Garab U Kala Jabtay
March 3, 2018 - Written by admin

xukuumadda uu hogaamiyo kornayl muuse biixi ayaa markii ugu horaysay ukala jabtay labadda garab ukala jabtay kadib markii uu meesha ka baxay nidaamkii iyo haykalkii dawladnimo

news

labaddan garab ee xukuumadda kornayl muuse biixi u kala jabtay ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemay guud ahaan dalka kadib markii ay lakala safteen xukuumadaha jabuuti iyo imaaraadka
garabka la saftay dawladda imaaraadka iyo shirkadeeda dp world ayaa waxa kamid ah wasiirka arrimaha dibadda somaliland, wasiirka maaliyadda, wasiirka horumarinta maalgashiga iyo masuuliyiin kale kuwaas oo iyagu maalmihii u dambeeyay hawlshaqo u joogay dalka imaaraadka carabta islamarkaana soo saxeexay heshiiskii somaliland, ethiopia iyo imaaraadka ku dhex maray magaaladda abu dubai ee dalka imaaraadka carabta

masuuliyiinta kale ee la saftay dawladda jabuuti ayaa iyaguna waxa kamid ah wakiilka somaliland ee jabuuti, wasiirka warfaafinta, wasiir ku xigeenka daakhliga iyo masuuliyiin kale kuwaas oo iyaguna aaminsan fikirka ay aaminsantahay dawladda jabuuti islamarkaana ka soo horkjeedo heshiiska dp world lagana soo shidaaliyo jabuuti.

arintan ayaa muujinaysa kala qaybsanaanta baahsan ee soo wajahday xukuumadda kornayl muuse kadib markii xukuumadiisu si badheedha ula kala safatay dawladdaha jabuuti iyo imaaraadka waxaana gabi ahaanba ka maqan meesha doorkii madaxwayne lagu yaqaanay halka mr madaxwayne biixi uu isna isku badalay dilaal lacago is khilaafsan ka kala qaatay dawladaha imaaraadka iyo jabuuti waxaana gabi ahaanba masuuliyiintii xukuumaddu isku badaleen kuwo u kala shaqeeya somaliland iyo jabuuti

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS