BALIGUBADLE MEDIA
USA, Canada, Ukraine Iyo 14 Dal Oo Midawga Yurub Ka Tirsan Oo Eryey Dublamaasiyiinta Ruushka Iyo Dawlada Moscow Oo Ka Jawaabtay
March 27, 2018 - Written by admin

Maraykanka, Canada, Ukraine iyo afar iyo toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay dalalkooda ka eryayaan boqolaal dublamaasiyiin  Ruush ah, sababtuna tahay weerarkii sunta habdhiska dareen wadka disha  loo adeegsaday ee ka dhacay Ingiriiska.

moso
Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in lixdan ka tirsan shaqaalaha safaraadda Ruushka oo lagu eedeeyey basaasnimo dalka laga saaro

Ukraine iyadana waxay eryaysaa saddex iyo toban, halka dhawr dal oo kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalku ay iyaguna midkiiba afar dublamaasi eryayaan

Wasiirka arimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas, ayaa sheegay in Ruushku aanu weli jawaab ka

bixinin sababta sun la sameeyey xilligii Soofiyeetka loogu adeegsaday weerarka lagu qaaday basaas hore oo la yidhaa Sergei Skripal iyo inantiisa oo haatan aad u il daran.

Madaxa golaha hogaanka Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa markii uu shaacinayey eriga dublamaasiyiinta waxa uu sheegay inay dhici karto in diblomaasiyiin kalena la eryo.

Ruushka ayaa tallaabada dalalkaasi ku eryeen dublamaasiyiintiisa ku sheegay in ay tahay mid “daandaansi ah oo colaadeed” waxaanu wacad ku maray in uu ka fal celin doono.

Af-hayeenka Aqalka Kremlin ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in go’aanka kama dambaysta ah Madaxweyne Vladimir Putin gaadhi doono.

Mar sii horraysay ayaa danjiraha Ruushka u fadhiya Maraykanka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in Maraykanku burburinayo intii yarayd ee ka sii jirtay xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka.

Moscow waxay mar kale ku celisay in aanay wax walaac ah ka haynin sunta disha habdhiska dareen wadka ee la sheegay, waxaanay maamulka Ingiriiska ku eedaysay in uu qaatay mawqif “gurracan oo qallooca isla markaana cuqdadi dhaamisay”.

Source:-BBCsomali

COMMENTS