BALIGUBADLE MEDIA
Turkiga, Qadar Iyo Jabuuti Oo Xukuumadda Muqdisho Ku Khasbaya In Ay Erido Safiirrada Imaaraadka Iyo Itoobiya
March 8, 2018 - Written by admin

Kulamo albaabadu u xidhnaayeen shalay illaa habeen hore ayaa ka socday aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho taasi oo xildhibaano iyo jihooyin kale oo ay dabada ka riixayaan dalalka Jabuuti, Turkiga iyo Qadar ay xukuumadda Farmaajo cadaadis ku saarayaan sidii ay go’aan uga qaadan lahayd heshiiskii dhawaan Imaaraadka ku dhex maray dalalka Itoobiya, Imaaraadka iyo Somaliland ee saami qaybsiga maal-gashiga Dekedda Berbera waxaana kulamadii shalay la iskula qaatay go’aamo halis weyn galin kara xukuumadda yabyabka ah ee Muqdisho.

turkey
Warar ay heleen shalay duhurnimadii warbaahinta Muqdisho gaar ahaan Idaacadda Radio Kulmiye ayaa waxa ay sheegayaan in talooyinka la soo jeediyey ee kulamadaasi ay ka mid ahaayeen in maamulka Villa Soomaaliya uu eryo Safiirrada Imaaraadka iyo Itoobiya isaga oo ka jawaabaya wax ay ku sheegeen fara-galinta dalalkaasi ku sameeyeen arrimaha Somaliland iyaga oo ula jeeda heshiiska Berbera oo ay ku sheegeen mid aan lagala tashan maadaama ay isku arkaan kuwo iyagu masuul ka ah wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Warbixin arrinkan khuseeya oo ay shalay duhurnimadii sii daysay Idaacadda Kulmiye oo si weyn looga dhagaysto Muqdisho iyo nawaaxigaada ayaa waxa ay warbixinteeda ku tidhi sidan:

“Saraakiil ka tirsan aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyey in kulamo saacadihii la soo dhaafay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya looga arrinsanayay jawaabta ay xukuumadda Khayre ka bixin doonto wax ay ku sheegeen weerarka siyaasadeed ee lagu soo qaaday Soomaaliya. Xubno ka mid ah madaxdii kulankaasi ka qayb gashay ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in la isla soo qaaday qodobo muhiim ah oo la xidhiidha sidii looga fal celin lahaa fara galinta Imaaraadka ee Arrimaha Soomaaliya. Saraakiishaasi waxa ay noo sheegeen in qodobada la isla soo qaaday ee aan wali la isku raacin ay ka mid yihiin in la caydhiyo safiirrada Imaaraadka iyo Itoobiya ee Soomaliya jooga iyo in xidhiidhka loo jaro dalka Imaaraadka carabta.

Qodobka saddexaad oo ah in dacwad caalami ah oo ka dhan ah heshiiska Dekedda Berbara loo gudbiyo IGAD, Midawga Afrika, Jaaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay. Saraakiishaasi waxa ay noo sheegeen oo kale in dalalka Jabuuti, Qadar iyo Turkigu ayaa dabada ka riixayaan in dawladdu ay qaadato go’aan adag oo jawaab u noqon kara fara-galinta Imaaraadka Carabta. Sidoo kale wararka aanu helnay ayaa sheegaya in khubaro caalami ahi ay ka qayb qaadanayaan arrimo sharci oo lagu wajahayo arrinkaasi. Maalmaha soo socda ayaa laga yabaa in dawladdu soo saarto go’aankeeda ugu dambeeya ee arrintan Berbera la xidhiidha. Sidoo kale waxa macquul ah in dawladdu ka aamusto arrinta Berbera oo aanay soo hadal qaadinba kana noqoto hadalkeedii hore ay ugu weerartay maadaama Itoobiya iyo Imaaraadku ay saamayn ballaadhan ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya sida ammaanka iyo dhaqaalaha.” Sidaasi ayaa lagu yidhi warbixinta shalay laga sii daayay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho.

Source:- Foore

COMMENTS