BALIGUBADLE MEDIA
Tirada iyo Magacyada Masuuliyiintii Ugu Horreeyay Ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Musuqmaasuq Xabsiga Loogu Taxaabay
March 9, 2018 - Written by admin

Ciidammada Booliiska ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam Cabdikariim Cali Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka Degmadaasi Cabdikariim Aadan Jibriil iyo Xoghayaha fulinta ee Degmadaasi Fu’aad Ibraahim Kooshin.

boolis heegan ah

Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Masuuliyiintan oo la xidh-xidhay Toddobaadkii hore isla-markaana ilaa Maanta ku xidhan Magaalada Hargeysa, uu xadhigooda amray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kadib markii sida la sheegay uu soo ogaaday inay ku Takri-faleen Hanti Ummadeed oo ah Dhul daaqsimeed ay iibiyeen, kaasi oo ku yaalla Degmada Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa.

Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam, Ku-xigeenkiisa iyo Xoghayaha fulinta ee Degmadaasi, ayaa la sheegay in amarka Xadhiggoodu uu bixiyey Madaxweyne

Muuse Biixi Cabdi, xilli uu ku gudo jiray socdaal kedis ah oo uu ugu kuur-galayey xaaladda dadka iyo dalka gaar ahaana deegaanka woqooyiga Hargeysa, isagoo ku tegay kormeer aan la sii shaacin oo uu toddobaadkii hore ku soo maray Xarumaha Biyo soo-saarka ee Biyo Shiinaha iyo Geed-deeble ka dibna uu uga sii gudbay degmada Daarasalaam, balse Madaxweynuhu intii uu ku sii jiray Jidka tega Degmada Daarasalaam uu la kulmay Dhul cabbirkiisu ku dhow yahay Kiilo Mittiro oo lagu xidhay Silig, kaasi oo markii uu Daarasalaam gaadhayna uu Madaxweynuhu odayaasha deegaankaasi ka wareystay Cidda Dhulka intaas leeg silligga ku xidhatay, markaasi ka dibna Odayaashu la socodsiiyeen in Maamulka Degmada Daarasalaam oo Xilligaa Xagga Hargeysa ku soo maqnaa iibiyeen.

Warka ayaa intaa ku daraya, in Madaxweynaha markii uu Hargeysa dib ugu soo laabtay uu Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliiska amray inay Saddexdaa Masuul waydiiyaan kooda iibiyey Dhulka intaasi leeg, balse markii la xidhay saddexdoodaba markii ay isku tuur-tuureen kooda leh Masuuliyadda iibka dhulka uu Madaxweynuhu soo arkay, taasina keentay in saddexdoodaba la xidho.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii koowaad ee Madaxweynuhu ka qaado Masuuliyiin ku eedaysan inay hanti Ummadeed ka Takri-faleen, si ay tusaale ugu noqoto masuuliyiinta kale oo aanay dib u dhicin Masuul Dawladeed oo wax Ummadda ka dhexeeya ku Takri-fala.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS