BALIGUBADLE MEDIA
Tamarteennu Waa ciil, Awooddeenuna Waa Cadho. Qalinkii: sadam osman kaabash.
March 6, 2018 - Written by admin

Waa casar oo fadhi gooro qaatay ayaan ka soo kacnay, xaggaa iyo masjidkana waan u yara ruqaansannay, waayo maqrib baa dhow oo waa la soo cibaadaysanayaa. Goobtu waa Shiraaqle hotel oo Dooxa Hargeisa ayaa geeska Koonfureed ka mara, milaygaasna wuu rogmanayaa. Xaggaa iyo Galbeedka oo roobbaan awgeed waxaa biyo qulqulayaan Dooxii. Hargeisina daruur dedan mooye tiix ma hayso. Kooxo rag u badan ayaana derbiga Dooxa tuban oo indhaha la raacaya biyaha galacle, had bana dhinac isu rogaaya. Waa yaabe, waxaa is qaban la` abaarta baahsan ee ka taagan dhammaan Somaliland, catawga ba`an iyo dhawaaqa dhiillada ah na ka soo yeedhayaan maatida baadiyahaya joogta iyaga oo biyo iyo cunto dalbanayaa, haddana Hargeisa oo aanu roob helin dooxeedii rogmanaayo. Shacabkeenna iyo dawladdeenu waa isma dhaanto iyo dhasheed. Waxaynnu ka dhigannahay dhalanteed nin oommani mooday kob ay biyo daadsanyihiin oo nafta ku la eertay qalbigiisuna u sawiri waayey “Waxani waa humaag dhalanteed yagleelay ee ka huleel ha ku dagmine oo biyo raadso”, eegga se, ka raba waxa uu surmiga iyo ladaadyada oonka iskaga baabi`iyo oo xaggiisii u jihaday si uu biyahaas u dharqado. Goor uu surbacaad u dhammaday, wadnuhuna afka yimi ayaa cadceeddii dhuumaalaysi ku gashay in daruura oo ay ninkii surbacadsanaa ka yeeshay mid yaqiinsaday waxan uu caydhsanayaa in uu yahay dhalanteed. Sidaas darteed, ma jiro qorshe dawladeed oo innooga dejisan abaraha soo noqnoqda iyo qabatinka biyaha qulqulaaya dooxyada Somaliland kuwaas oo u dhigma malaayiin mitric kuyuubik oo loo adeegsan lahaa cabbitaan iyo dhul falasho. Dawladdan taagta daran ee wadanka majaraheeda haysaana ka daacad maaha ka midho dhalinta waxii loo doortay, sababta oo ah waxa ay leeyiin biyiihii Hargeisa heli lahayd way fashilmeen oo waa la cunay, dooxeenniina waxaa dhex dayaamaya mawjado biyo ah oo si hawl yaraana inoo dhaafaya. Kaba sii darane shacabkuna waa lamid oo biyahan si loo adeegsado magranaayaan mana qaabayn karaan. Waxaynnu nahay dad taag daran, madluum ah, oo qalbigoodu ku eegganyahay mixnadaha madhalayska ah iyo ka sheekaynta siyaasadda inteeda xun. Madaxdeenna, odayaaasheenna, aqoonyahankeenna iyo waaya_arageennu waa ninka ummada u horseeda kicinta iyo ka sheekaynta ma hadhooyinka siyaasadeed een waxtar iyo wax korodhsi inoo lahayn, ee maaha kuwa ka dhex aloosa ummadda wacyigelin wax hagaajinaaya dad iyo duunyana laga faa`iidayo.

Caqligeenna iyo garaadkeennu ma koraayo inta aynnu sidan ku jirno. waxaa loo baahan yahay kooxo ka madax banaan inta ummadeena godka madaw ee siyaasadda ah ku dhex ridday oo ka saarta oo haddana hindista sidii masiirkeenna loo qaabayn lahaa.
Ugu danbayn, Alle haysugu keen toosiyo waxa aynnu tabanaynu iyo sida aynnu u rabno iyo tamarteeda oo aan yeelano.

Qalinkii: sadam osman kaabash.
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge

COMMENTS