Somalilandeey Waxaad Ka Mid Tahay Is-baddelada Geeska-afrika Waliba Ta Ugu Horeysa.Qalinka:- C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
March 6, 2018 - Written by admin
Duulal caalam dhamaan umadaha hour-marey ama leh qaab nololeedka dawladnimadiisu is-bixisey ama horumarkoodu taaba-galey, DHamaan waxay indhaha ku hayaan buqcad-yar oo geeska afrika ka dhex iftiinta, Oo sida shamaca uga dhex muuqata caalamka marka laga joogo dhicana Walaxa-cadaceedyada ama waxan la yidhaa (Heavenly Bodies), Sida ay sheegeen khubaro cul-culus oo baadhitaan iyo dadaalo dheeraada ah galiyey Daraasado balaadhana ka soo saarey in meelahani ay jiraan taariikho qadiimiya oo umamyo hore ah taasi waa ta (Historical Scoreka ah) Dhanka kale waxa jira yadna oo dhulkan ku duugan isbaddelo mustaqbal oo Dhul ahaaneed iyo Dabeecad ahaaneedba (Geographical Change) ay ugu horeyso qaabka dhulka iyo nidaamka uu u yaalo amaba in Qaadarada afrika ay badh go,ayso taasina waxa u daliil ah dunidu awelkeedii qaarad kaliya ayey aheyd halka sidey u kala go,go,aysey ay noqotey todoba qaaradood (Continental Drifts), markaa arimahaasi oo dhan waxaa lagu sheegay daraasado laga sameeyey balse la qariyo.
Hadaba waxa is weydiin leh waa tuma meeshan ay ku duugan yihiin waxasoo aasaar ahi mase tahay meel laysla wada garanayo? Horta taariikh ahaan ama baadhitaanba meeshani lama cadeyn lamana shaacin balse way nool yihiin khubaro ilaashata ama dawlado waaweyn oo meesha og balse may shaacin, kamey sheekayn sababtuna waxa weeyaan meesha macno badan ayaa ku duugan, Sidaa darteed dadka looma iftiimin kaliyaata waxa la xusey marka dayax-gacmeedyo samada u cir-baxaan iney arkaan Iftiin quwadh leh oo geeska-afrika dhexdiisa ah ka dib shakigii iftiinkaa laga qaadey wuxuu Dhaley (Research and analyzing) ka dibna waa la helay yadoo ay wadamada ka hawl-galey ay badnaayeen hadana yagu wey kala qarsanayaan isumana sheegayaan, Hadaba meeshan mucjisadu ku duugan tahay ayaa ah meel mustaqbalka dhaw laga dhursugayo iney si caadi ah isu badasho.
Inkastoy wakhti-xaadirkan soo if-baxayaan raided in meel aan anuu shakhsi ahaan uga shakiyey iney meeshaasi tahay , yadoo fikirkan ay ila qabaan aqoonyahano fara-badan oo acamedic sax ah kuwaasi oo intooda badan aamin-san buq-cadaasi iney ku taalo Geeska-afrika gaar ahaan Dhulka Dawlada Somaliland oo in badan oo sooyaal iyo aasaar qadiimiya ku caan ah taniyo Ilaa Umadii (Calayhi Salaame Nabiyu Laahi Muuse) oo raadedkoodii iyo waxyaabo aasaartoodii ka mid ah lagu arkey , Meeshani waa meel xeeb ah marka taariikhda Somaliland ama jiritaanka Umad qadiimiya marka laga hadlayo waa meesha kaliyaatee la soo hadal-qaado ama Qudamaa,u Taariikh lagu xasuusto , Meel kalena ma,aha Waa Magaaladii Xadaarada Iyo Ardul Saylac, tanibaa in badan aqoonyahanka iyo indheer-garadkuba ay aamineen, Waxana ay ku aamineen aragtidan Aasaaro badan oo qadiimi ah oo ay ku arkeen Sida meelaha qadiimiga ah ee umamyadii hore ka turjumaya ee ku yaala Magaalada tan Saylac, Markaa waxay xuseen iney tahay Suura-gal shakigaa laga qaadey Saylac Ee Ku Saabsan Arinkani.
Sidoo kale waxa kuu muujinaya in meeshan laga dhul-sugayo Duniduna wada kulaaleyso yadoo ay dhamaan beeshii caalamka iyo dunidiiba wada kulaaleyso buqcadan yagoo eeganaya istaratajiyadaha ay og yihiin, In yar hadaan halkaa iftiimiyo dunidii dhamaan waxay isu timidey Dawlada Djabouti halkaasi oo ay ka eeganayaan mucjisooyinka meeshan ku jira yagoo badhkood ogyihiin badhka kalena ay soo eegteen waxan la yidhaa hugun-raaca ama tuhunka, aduu iniba dhinaca ay doonto haw ridee waxa cad in meeshaasi laysu Wada jaakidhayo, Oo la eegaanayo arhaamta bay,adan dhaayahooduna ay hayaan shaki kuma jirro marinkaa Saylac inuu yahay meel Ilaahey wax dhigey waxyaabo badan oo muhiima ku sugan yihiin isla markaana ay umadahani dhamaantood ay ku xisaabtamayaan Nin og iyo ku tuhunsanba.
Marka aynu eegno waxyaabaha ay caanka ku tahay Saylac waxa ka mid ah Aasaar cul-culus kuwaasi oo laga joogo hada amino ama wakhtiyo Qarniyo iyo quruumo ilaa qisatu Nabiyu Laahi Muusa oo lagu tuhmey Waxyaabaha ay ka mid yihiin Masaajidka labada qiblo leh, dhismayaal qadiimiya oo ka turjumaya xadaarado hore , Iyo Alaabo ay isticmaali jireen umadahaasi kuwaasoo lagu Arkey Saylac iyo nawaaxiyadeeda, Xaga cilmilada iyo dabeecada markaan ka eegayno waxa la rumeysan yahay in meeshan ay ka soo baxayaan si lama filaan ah yadoo loo badinayo waxyaalahaasi Sida, Shidaalka ,Macdinta , Xeeb cusub ama bad ka dilaacda bad-yarada cadmeed, Wabbi ,Markaa waxa xusid mudan in dunidii ay indhaha ku hayso buqcadaa yar ee ku taala Somaliland Waa Ilaahey mahadii haddii ay ifa-faalooyinka rumoobaan waxa dhaboobeysa in wadankani cirka isku shareero oo uu iftiinkaa iyo nuurkaa mina-laahida ahi noqdo dalkan waa guuliyo gobanimo.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS