BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Taariikhda Markii Ugu Horaysay Gacanta U Gashay Dawladda Jabuuti
March 7, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland kornayl muuse biixi ayaa markii ugu horaysay gacanta u galay dawladda jabuuti si uu gudaha somaliland uga fuliyo danno kasta oo ay leedahay dawladda jabuuti.

top news

waa markii ugu horaysay taariikhda somaliland ee madaxwayne somaliland ahi gacanta u galo dal shisheeye si uu maslaxadda dalkaas uga fuliyo dalka arintan ayaa walaac wayn ku beertay guud ahaan bulshowaynta somaliland.
madaxwayne biixi oo ay xidid dhaw yihiin madaxwaynaha jabuuti islamarkaana dhaqaale xaddi badan dawladda jabuuti ku bixisay sidii kursiga u fuuli lahaa ayaan ka fikirayn khataraha foosha xun ee somaliland kaga iman kara sida tooska ah ee uu dalka u hoos geeyay jabuuti waxaanad moodaa in madaxwayne biixi oo lacag 50 milyan oo hordhaca ka qaatay dalka jabuuti uu ilooway qaranimadii somaliland islamarkaana uu si badheedha ugu tarki falayo sharciyadda dalka isagoo xildhibaano xasaanad leh u xidhxidhay dawladda jabuuti kuwaas oo xilli ay xasaanadii sitaan ku jira jeelasha hargeysa.

dhanka kale madaxwayne biixi oo ku jaahwareersan kursiga ayaa lacago is khilaafsan ka kala qaatay jabuuti iyo imaaraadka iyadoon ilaa hadda la garanayn halka ay dalka gaadhsiin karto siyaasadda laba wajiilaynta ah ee madaxwayne muuse biixi

isku soo wada duuboo somaliland ayaa markii ugu horaysay hoos tagtay dalka jabuuti waxaana laga warsugayaa halka ay dalka gaadhsiiso siyaasadda aan aragtida fog lahayn ee muuse biixi dalka ku hagayaa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS