BALIGUBADLE MEDIA
SOMALILAND MAXAA DAN UGU JIRA. SHIRKADA DP WORLD IYO SALDHIGA MILATERI EE BERBERA LAGA YAGLEELAAYO?
March 30, 2018 - Written by admin

Anigoo magacaygu yahay Mohamed Ismail Hussein, (Amb. Balishire) ahna wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia. Waxaan ugu horeyn halkan aan maanta ka salaamayaa dhamaanba shacabka reer Somaliland dal iyo dibadba. Waxaan maanta aan qalinka u qaatay in aan wax ka taab-taabto. Arimaha beryahan danbe ay dadku sida xad dhaafka ah ugu mashquuleen. Arimahaas oo kala ah maalgashiga shirkada DP World iyo saldhiga Milateri oo labadaba laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ee UAE.

Hadaba hadii aan ku horeeyo maqaalkan oo aan kaga hadli doono maanta Shirkada DP World oo keliya aniga oo maqaalka kan xiga aan kaga hadli doono Saldhiga Milateriga ee laga yagleelaayo Somaliland gaar ahaan Magaalada Berbera. Waxaan run ahaantii aan qabaa in shirkadani ay tahay shirkad Somaliland u soo gurmatay isla markaasna u hiilisay dhankasta oo ay ahaataba.

Xaqiiqatan shirkadan DP World maaha shirkad la dhayalsan karo. “We cannot possibly underestimate this formidable and extremely powerful Port Authority under any circumstances, which has already successfully possess a massive and totally unshakable international reputation”. Isla Markaasna waa shirkad weyn oo caalami ah oo ka hawl gasha in ka badan 65 wadan oo ku kala yaala shanta qaaradood ee aduunka. Waxaanay shirkadani ay si toos ah u maamushaa wadamo badan oo aduunka ku yaala oo ay ka mid yihiin dalka Ustareeliya, New Zealand, Thailand, Canada, UK, USA, China, India, Pakistan iyo wadamo kale oo badan oo ku yaala qaarada Africa intaba. Oo ay guud ahaanba ay gacanta ku hayaan dekadaha dalkaas laga leeyahay oo dhan. Waxa kale oo shirkadani ay ka hawl gashaa wadamada kale ee loo yaqaano New Zealand. Canada iyo gobolo badan oo ka mid ah dalweynaha Maraykanka.

Hadaba waxa xaqiiqdii is waydiin mudan ma shirkada waxaas oo kalsooni ah la siiyey oo intaas oo wadan oo kor ku xusan iyo qaar kaloo badaniba ay kalsooni buuxda siiyeen si ay dalalkooda horumar dhaqaale u gaadhsiiyaan. Miyaa inagii maanta noqonay kuwii ugu horeeyey ee fursadan dahabiga ah ee u soo gacan gashay ku shimbiro waaqleeya. Runtii arintani waa fursad qaali ah oo maanta dalkeena inoogu timid oo u baahan in si weyn oo caqliyeysan looga faa’iidaysto dhankasta oo ay ahaataba. Waxa shirkada DP World ay go’aan qaadatay Iyagoon u eegin dalkeena amaba aan shuruud inagu xidhin xaga aqoonsiga la hal maasha, iyagoo noqday kuwo si toos ah inoola macaamilay. Isla markaasna dhegaha ka furaystay qaylada ka soo yeedhaysa walaalaheena Somalilweyn.

Waxaan qabaa oo aan muran marnaba geli Karin, in shirkadan DP World ay sumcadii Somaliland ay kor u sii qaaday isla markaasna meel dheer maanta saartay. Taas oo wax weyn ka tari karta aqoonsiga ay Somaliland mudada dheer daba-socotay in uu maruun suurto gal noqdo. isla markaasna ay baahida weyn u qabto in dalkani maruun beesha caalamka si rasmi ah ugu biiri doono. Waana wax suurto gal noqon kara Maadama ay shirkada DP World ay tahay shirkad caalami ah oo aduunkoo dhan laga yaqaano taariikh fiicana ku leh, isla markaasna haysata tixgelin iyo qiimayn gaar ah oo caalami ah.

Hadaba waxaan usoo joogay iyadoo dalkeena ay timid shirkad weyn oo dhanka macdanta ah oo la odhan jiray Genel Energy. Shirkadaas inaga ayaa dalka ka saarnay oo ku shimbiro waaqlaynay. Iyadoo rajo weyn la qabay in shirkadaasi ay banaanka soo dhigto wax ay shacabka reer Somaliland ee baahida weyn qaba dhan kasta oo ay ahaataba ay ku farxi lahaayeen, isla
markaasna rajo weyn la qabay. Hadana siday doontaba ha ahaate waxa lagu furay buuq iyo qaylo ilaa xataa xabad loola tegay. Taasina ay dhalisay in ay dalkaba iskaga haajiraan. WaxaanaySomaliland dhaxalsiisay sumcad daro iyo in la yidhaahdo meeeshu maaha meel laysku halayn karo.

Hadaba waxaan shacabka reer Somaliland aan ka codsanayaa in maanta horumarka iyo danta guud ee Qaranka la wada taageero mid mucaarid ah iyo mid muxaafid ah intaba, isla markaasna dawlada garab lagu siiyo wax alaale iyo wixii danta dalku ku jirto isla markaasna lagu garab
istaago dawlada wixii horumar ah ee dalkan ku soo aadan. Waxaanan qabaa in ay danteenu ku jirto in fursad la siiyo shirkadan DP World. Samirna loo yeesho. Waxa hubaal ah in dhawr sano ka dib Somaliland ay weji kale yeelan doonto. Horumar weyna la gaadhi doono.

Waxaanay Shirkadani maanta hormood ka tahay cilaaqaadka Somaliland iyo dalka Imaaraadka oo hada furmay meel fiicana maanta maraaya, taasoo dhalin karta in dawlada dalkaasi UAE ay Somaliland wax badan la qaban doonto. Haday noqoto dhanka caafimaadka iyo waxbarashada oo ay inaga taageerto iyo haday noqoto dhisitaanka dalkeena iyo dabcan Baasaboorka Somaliland oo mustaqalka dhaw noqda mid loogu safri doono wadankaas UAE iyo wadamo kale oo ku yaala Khaliijul Carab.

Ugu Danayntii waxa iga dardaaran ah hadaynu nahay reer Somaliland in la joojiyo oo laga waantoobo u jawaabista wasiir ama wasiir ku xigeen Xamar ka soo hadlay oo dafirsan qadiyada Somaliland isla markaasna ka soo horjeeda wax kasta oo horumar ah oo Somaliland u furma.

Waxa wasiirkaas Xamar ka soo hadlayaa uu ina soo odhanayaa oo keliya sadex kalmadood oo
keliya oo kala ah. (1) Jiritaanka Somaliweyn waa Muqadas, (2) Somaliland Ma go’i karto. (3)
Wax kasta oo maal gashi ku lug lihina waa in uu aniga isoo maraa???

Hadaba hadaad u fiirsato wasiirka sidaas u soo hadlaya, Xamar nabad gelyo kuma dhex haysto oo baabuur gaashaman oo AMISOM leedahay ayaa habeen iyo maalinba ilaalisa oo amnigiisa sugta. Caasimadii Somalia ee Xamar ayaa ilaa hada ay dawlada Federaalku ku fashilantay in ay
ka saarto argagixisada Al Shabaab oo ay nabadgelyo buuxda oo laysku halayn karo ku soo celiso, iskaba dhaaf dalka intiisa kale oo aan gacanba ugu jirin oo ay haystaan kooxda argagixisada Al shabaab.

Runtii waxa nimankan sida loogu jawaabo dhameeyey Ilaahay naxariistii jano ha siiye, madaxweynihii hore ee qarankan Somaliland. Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. waxa uu odhan jiray
hal kalmad oo keliya: (1) “Waar Dadkaas masiibo aduun ayaa haysate. Haloo duceeyo”.!!!

Laakiin waxa runtii nasiib daro ah in maanta ay wasiirkaas xamar ku xaniban ee hadalka dheel dheelka ah ee aan loo meel dayin iska soo odhanaaya in ay u wada jawaabaan. Wasiiro, Cuqaal, xildhibaano, dumar iyo caruur, sidaas oo ay tahayna weliba mudaharaadna loogu daro. Runtii arinkani aniga ilama qurux badna, waxaanan run ahaantii aan jeclaan lahaa in u jawaabista dawlada Xamar loo dhaafo oo keliya wasiirka Warfaafinta ee madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cadi uu xilkaas u igmaday oo keliya.

Hadii kale waxa laynoo arkayaa in aynu nahay dad cabsanaaya oo
aan kalsooni isku qabin in aynu nahay. Ka dibna waxay tani keeni doontaa in bil kasta wasiir Xamar joogaa oo aan Somaliland aqoon u lahayn oo aan ogeyn dalkan wixii loo soo maray in uu TV-ga inoo soo fadhiisto oo inaga maadsado, isagoo laba kalmadood oo keliya ina soo odhanaaya.

Markaas ma waxaynu ku jiri karnaa in mar kastaba ay boqol qof oo dawlad iyo shiciba iskugu jiraa ay u jawaabaan, qof aan uba qalmin in loo jawaabo, welibana mudaharaad ugu darno…. Fadlan aynu dhaqamada sidan ah aynu joojino. Somaliland Ilaahay mooye cid kale oo wax yeeli kartaa ma jirto…. Waa Iga Talo..

“Anyway, I presumably believe the fact that, without any shadow of a doubt, DP World is probably one of the most leading and immensely most sophisticated and highly advanced Port Authority administration that the world has ever seen, with it’s sophisticated technology and remarkable good track record and strong financial means to facilitate their business operations all around the globe.”

I hope that we might not miss out this golden opportunity for the long term benefit of our
desperate nation, Somaliland.”

ALLAA MAHAD LEH:

Amb. Mohamed Ismail Hussein “Balishire”
Former Somaliland Special Representative to Australia.
Safiirkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia.
Email: [email protected]

COMMENTS