BALIGUBADLE MEDIA
Shirkada Genel Energy Oo Shaacisay Xiliga Ay Somaliland Ka Bilaabeyso Shidaal Qodista
March 23, 2018 - Written by admin

Shirkada Genel Energy Oo Shaacisay Xiliga Ay Somaliland Ka Bilaabeyso Shidaal Qodista Shirkadda caalamiga ah ee Genel Energy ayaa sheegtay inay Somaliland ka bilaabi doonto shiidaal qodis sannadka 2019 ka.

genel
Siday baahisay wakaallada SOLNA, oo soo xigatay war maanta lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters, Agaasimaha fulinta ee shirkadda Genel Energy Mr. Murat Ozgul, ayaa caddeeyey inay kal-dame shiidaal ka soo saari doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Agaasimaha Genel Energy wuxuu iftiimiyey in sahan ay hore uga fuliyeen Somaliland sannadkii 2017kii rejo laga muujiyey in shiidaal ku jiro Somaliland.
Mr. Murat Ozgul wuxuu xusay inuu jecel yahay inay shirkad ahaan shiidaal ka soo saaraan Somaliland, waxaanu daboolka ka qaaday inuu ugu farsaxsan yahay sidii uu ugu mabsuuday xiligii ay shiidaalka ka soo saareen dalka Kurdistan 15 sanno ka hor.
Sidoo kale madaxa maaliyadda ee shirkadda Genel Energy, Mr. Esa Ikaheimonen, ayaa sheegay in shirkaddu ay gelin doonto qayb ka mid ah 162 milyan oo doolar oo ka mid ah hantida u taalla Kurdistaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawr sano ka hor heshiis shiidaal baadhis ah ula gashay shirkadda Genel Energy.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS