BALIGUBADLE MEDIA
Shiinaha oo ku Goodiyay in uu Ka Aarsan Doono Maraykanka
March 23, 2018 - Written by admin

Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay ka baaraandagayso canshuuro ay ku soo rogto alaabada Maraykanka laga soo dhoofiyo oo qiimahoodu ku kacayo 3 bilyan oo doolar, arrintaasna ay aargoosi u noqon doonto canshuuraha uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

china president

Liiska waxyaabaha laga soo dhoofiyo Maraykanka ee Shiinuhu uu ka baaraan dagayo waxaa ka mid ah doofaarka, wine oo ah nooc ka mid ah khamrida, khudaarta, lawska, tuubooyinka biraha ah iyo waxyaabo kale.

Shiinaha ayaa sidoo kale Maraykanka waydiistay in uu iska ilaaliyo “in uu meel halis ah geeyo” calaaqaadka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha.

Beijing ayaa sheegtay in ay rajaynayso in Maraykanka uu dib uga gurto dagaalka ganacsi ee qarka loo saaran yahay.

Khamiistii ayuu Maraykanku ku dhawaaqay qorsheyaal uu canshuurta ugu kordhinayo 60 bilyan oo ah alaabada Shiinaha laga soo dhoofiyo iyo in la xadido maalgashiga uu Shiinuhu ku sameeyo Maraykanka.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah eedaymo sannado badan loo soo jeedinayay Shiinaha oo ah in uu xado hal abuurka fikradaha.

Jimcihii ayay wasaaradda ganacsiga ee Shiinuhu sheegtay in iskaashi dhaqaale uu yahay “xalka kali ah ee saxda ah” waxayna ku baaqday in Maraykanku uu wadahalad ku dhameeyo arrimaha la isku hayo si looga baaqsado waxyeelo wakhti dheer jiitanta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay diyaarisay labo talaabo oo aargoosi canshuur ah kuwaas oo kala ah:

In 15% sare loo qaado canshuurta 120 nooc oo ganacsi ah kuna kacaya 1 bilyan oo doolar, kuwaas oo ay ku jiraan khudaarta soo go’da een la warshadaynin, lawska iyo khamriga wine-ka loo yaqaanno.

Iyo in 25% canshuurta lagu kordhiyo sideed ganacsi oo kale oo qiimahoodu ku kacayo 2 bilyan oo doolar.

Tallaabada koobaad ayaa la qaadi doonaa haddii Maraykanku uu ku guuldarraysto in uu Shiinaha la gaaro heshiis ganacsi.

Midda labaadna waxay dhaqan gali doontaa marka qiimayn dheeri ah lagu sii sameeyo canshuuraha uu Maraykanku soo ragay.

Shiinuhu wuxuu sheegay in uusan rabin in uu galo dagaal ganacsi, balse uusan ka baqaynin haddii uu mid galayo.

Shiinuhu waxaa kale oo ay raadinayaan in uu qaado tallaabo sharci ah isaga oo sii maraya Hay’adda Ganacsiga Adduunka isaga oo ka cabanaya canshuuraha uu Maraykanku ku dhawaaqay bishii hore ee ka dhan ah biraha.

Suuqyada Saamiyada ee Aasiya ayaa hoos u dhacay iyada oo laga cabsiqabo in uu dhaco dagaal ganacsi oo dhex mara Maraykanka iyo Shiinaha.

Suuqyada saamiyada ee Maraykanka ayaa Khamiistii la xiray iyaga oo heerkoodii ka hooseeya.
Muxuu Maraykanku tallaabadan u qaadayaa?

Maraykanka ayaa alaabo balaayiin doolar ku kacaysa ka soo qaata Shiinaha taas oo midda uu u dhoofiyo ka hoosaysa 375 bilyan oo doolar sida ku cad ganacsigii labada dal dhex maray sannadkii hore, waana taas mida uu Trump dhaliilay.

Trump ayaa Khamiistii sheegay in uu Shiinaha ka dalbaday in ay si degdeg ah u dhimaan 100 bilyan.

Laakiin canshuuraha cusub ee Maraykanku soo rogay ayaa dabo socday baaritaan lagu sameeyay siyaasadaha Shiinaha ka dib markii uu amar bixiyay Trump bishii Agoosto.

bbc

COMMENTS