BALIGUBADLE MEDIA
Sheerarka DPW iyo Ethiopia oo isku ah 70% Waxay Shiiqinayaan Somaliland oo aan weli la ictiraafin. qalinkii A/rahman fidhinle UK
March 30, 2018 - Written by admin

Abdirahman Mohamoud <[email protected]>
AttachmentsMar 26 (5 days ago)
to news, contact, Mohamed, me, Baarcad, waaheen001, webmaster, Mustafe, webmaster, webmaster, Tafaftiraha, Mustafa, editor, editor, Togga, foore2010
Shirkada DPW waa shirkad dawladeed, waxaana ay ku shaqeysaa istiraajiyad dawladeed oo ku dhisan ilaalinta Dekedaheeda iyo danaheeda dawladeed. hadaad daalacato mareegaha shirkadan waxaa kuu cadaanaysa in Shirkada DPW ay tahay Hayada u xilsaaran Dekedaha imaaraatiga. Shirkada DPW waxay sameysaa marka ay la wareegto Dekedaha yar yar ee Africa Shirkado yar yar oo sameys ah sida shirkada PIO ee hada u maamusha Dekeda Boosaaso ee Puntland.  Shirkada DPW waxaa kale oo ay hoosta ku wadataa shirkado yar yar oo macaash doon ah oo magaceeda ku xagafsada kuwaas oo xaalufiya Kaluunka iyo macdanaha kala duwan ee dhulka hoostiisa ku duugan.

Heshiiska Somaliland la gashay shirkada DPWorld iyo Ethiopia waxaa loo arkaa heshiis aan laga fiirsan waana mid halistiisa wata oo soo wajahay qaranimada iyo qowmiyada Somaliland maadaama ay Ethiopia ka  mid noqotay isbaheysiga carbeed sheerna ku yeelatay. Sheerka ay Eithiopia ku yeelatay Dekeda Berbera waa arin xaas -xaasi ah waana arin lid ku noqon karta madaxbanaanida iyo jiritaanka JSL waxaana ay labadan wadan oo iskaashadaa ay Somaliland ku sameyn karaan shiiqin (domination ) Maadaama sheerarkoodu isku yihiin 70% oo ay  sidan uyeesheen 51% DPW iyo 19% Eithiopia waxaana ay sheerarkooda ka sii iibin karaan wadamo kale iyo shirkado kale . Waxay labadan wadan ay shirkadahooda yar yar ee uga shaqeeya Jabal-Ali iyo Dooraale keeni doonaan Suuqa xorta ah ee Berbera laga furi doono taa soo ah mid aan dhiirigelineyn koboca dakhliga dowlada  iyo kobcinta dhaqaalaha curdinka ah ee Somaliland .

Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisiiba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaya:
Waxay sheeko xariirta inoogu bilaabeen in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso $442 Million
Waxaa ku xigtay wejiga hore way inoo maamulayaan mudo sanad ah, taasoo ay ka faai’deen lacag badan.
Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera waa $230 Million !
Kuy’e  DPW waxay Suuqa xorta u qoondeysay in ay  ku baxdo lacag dhan  $25 Million !
Lay’e Dawlada Eithiopia waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion!
Laye  Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan  $80 Million ?
Ku-ye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa  lacag dhan $240 Million?
Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million
Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa ku badan oo waxay awoodaa $7 million oo qudha ?
Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW  ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusubi ku saleysan yahay oo ka soo xuubsiibtay oo looma baahna in Baarlamaan laga ansixiyo ,hada gara’oo heshiiskii hore wuxuu ahaa nuxur yar oo far Somali ku qoran oo qabyo qoraal ah oo ogolaansho uun ahaa.

Hadaba Su’aalaha shacabka Somaliland isweydiinayaan ayaa noqonaysa maadaama mashuuracni yahay mid masiiri ah oo taabanaaya dhaqaalaha iyo amniga muwaadin kasta oo reer Somaliland ah :

1- Maxaa heshiiska sadex geesoodka ah Baarlamaanka Somaliland loo keeni waayey?
2-Maxay Eithiopia inoogu bedelaysaa Saamigeeda oo dhan 19%  ?
3- Shuruudo noo cee ah ayaa Ethiopia lagu xidhayaa? mise xaalku waa aan ka fuudee Alow fiihaa !
4-Maxaa runta looga sheegi waayey in Maalgashigu yahay $230 Million ee aanu aheyn $442 Million ?
5-Somaliland lacagta ku soo hagaagtay yaa ka bixinaaya mar hadii ay Dekedeedii faro guudkood siisatay?
6- Maxaa muda’daa dheer ee sanadka dhaaftay heshiiskii rasmiga ahaa Golaha Baarlamaanka loo keeni waayey?
7-  Shirkada DPW oo Dekeda maamuleysay mudo sanad ka badan maxay u fulin weyday balan qaadyadii heshiiskii hore. 8- Sidee loo maamulayaa mashruuca maadaama Berbera Port Authority meesha laga saaray?
9- Maadaama aanu dalku laheyn Caymis -Maxaa heshiiska loogu cadeyn waayey cida ka masuulka noqonaysa  khasaaraha ka yimaada heshiiska gaar ahaan dhibaatooyinka Bay’ada ku yimaada ?

Waxaa Heshiiskii hore ku jiray in la sameyn doono Shirkad ay ku bahoobeen DPW iyo Somaliland oo lagu magacaabi doono Berbera Port Authority taas oo yeelan doonta gudi ama ( board of Directors ) hadaba meeday shirkadaasi ? ma waxaa liqday  shirkadii Somaliland investment Company? mise xaalku waa ka noqo heshiisku waa sadex geesood eh ?  Yaa u fasaxay in Sheerkii Somaliland oo ahaa 35% in 5% Eithoipia laga iibiyo iyada oo aan la soo marin hayadihii dastuuriga ahaa ? Yaa ka mabnuucaya in Ethiopia Ciidan hantideeda u ilaaliya ay iyana dalkeena keensato oo saldhig ciidan ku yeelato?  Maxaa Ethiopia oo aynu jaar nahay oo Dekeda Berbera isticmaaleysay mudo dheer ay sheerka inoo weydiisan wayday ee DPW u weydiisatay ? Timir laf baa ku jirta !! Arimahan badan ee mugdigu ku jiraa waxay kuu cadeynayaan  in heshiisku yahay Heshiis Siyaasadeed oo aad u qorshaysan oo aanay Somaliland ka fiirsan quwadaha ku tartamaya istiraatiijiyada  dalka ,qiimaha kheyraadka dalka iyo Dekeda Berbera oo dhacda marin muhiim ah.

Waxaa ummadda u cadaatay in DPW ay leedahay dano dhaqaale iyo ujeedooyin kale oo gaar ah, markaa si ay danaheeda gaar ka ah ufushato ayey dawlada imaraatigu Ethiopia inoo soo qayd-xanbaartay oo hantideenii inagula  shuraakoowday. Waxaana  mushtamaca Somaliland u cadaatay in shaxda iyo loolanka Dekeda Berbera iyo Saldhiga ciidan ka danbeeyaa aanu aheyn mid Somaliland wax ka qaban karto ee uu xaalku yahay mid daaran dagaalka baahsan ee u dhaxeeya quwadaha waaweyn ee ku hirdamaaya marinka gacanka cadmeed oo ah goob isu socodka aduunka qiime weyn ugu fadhida.

Gunaanad :Hadii ay Shirkada DPW balaadhin iyo casriyeyn mug-leh ku sameynayso Dekeda Berbera oo ay ka dhabeynayso lama diidana oo waa talaabo horumarineed laakiinse waxaa la diidan yahay in ummadda dabool iyo daah qarsoon laga saaro nuxurka heshiiska Sidaa daraadeed waa in daaha laga feydaa oo Heshiiskan cusub ee sadex geesoodka ah si biseyl siyaasadeed ku saleysan umadda loogu soo bandhigaa faai’dadiisa oo Baarlamaanka Somaliland la hor keenaa si ay u naaqishaan nuxurka heshiisku  xanbaarsan yahay una saxaan wixii madmadow ku gedaaman ka dibna u ansixiyaan.

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS