BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Saylici oo Ka Garaabay Dhaliilo Fool Xun oo Dul Hooganaya Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi
March 26, 2018 - Written by admin

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayay ka soo yeedheen hadalo aanu ka fiirsan oo abuuri kara khilaaf dhinaca hanaanka wada shaqayneed ah isaga iyo Madaxweynaha Somaliland waxaana ifka u soo baxday inay wax badan ku kala aragti duwan yihiin hanaanka hogaaminta marka laga eego hadalkan ka soo yeedhay Saylici oo lidi ku ah hayaanka siyaasadeed uu Madaxweyne Muuse dalka ku hagayo oo mar walba ka soo horjeeda tilmaamaha Mucaaridka.

saylici iyo muuse
Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo todobaadkan la hadlay warbaahinta ayaa maruu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay go’aanka ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI ee uu kalsoonida kala noqday Xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka iyo arrinta uu Xisbigaasi sababta uga dhigay ee ku saabsanayd in doorashadii dhawayd Xisbigooda lagaga shubtay ayaa waxa uu Saylici qiray in mad madawgaasi ay Xisbigaasi sheegayaan ay jirto oo iyaga laftooda (Kulmiye) isna lagaga shubtay,waxaanay arintaasi si toos ah uga hor imanaysaa go’aan uu Madaxweynuhu bari kaga dhigay Gudida Doorashooyinka uu ee kaga difaacay Weerarkaasi kaga yimid Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxaanu hadalkaasi Saylici abuuri karaa Khilaaf dhinaca wada shaqaynta ah oo dhex mara isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Hadaan ka hadlo Gobolka Awdal ee aan ka soo jeedo in aniga layga shubtay mooyaane wax anigu aan ku shubtay oo ila socdaa ma jirto”.
Dhinaca kale,Waraysigaasi laftiisa waxa uu Cabdiraxmaan Saylici kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyay Dhinaca Saamiga beelaha ee Xukuumadda uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay, waxa uu eedaasi iskaga riixay Madaxweynaha, Waxaana uu sheegay inaanay wali dhamaystirmin Xukuumaddu,oo marka ay dhamaystiranto la wada ogaan doono cida laga qadiyay saamiga Xukuuadda,isagoo muujiyay sida uu dibada uga taagan tahay ee aanu qayb uga ahayn Xulista Xubnaha Xukuumadda loo magacaabayo islamarkaana uu carabka ku adkeeyay,iskuna dhaafiyay Dhinaca madaxweynaha,Waxa haddalkiisa ka mid ahaa sidan“ilaa madaxweynuu uu dhamaystiro dawladiisa, Wax cadaalad daro ah oo muuqataa ma jirto”,waxaanu qodobkaasina keeni karaa Khilaaf dhinaca shaqada ah oo ka dhex qarxa isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Hadalka kale ee isna khilaafka abuuri kara ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo dibada soo dhigay arin aad u foolxun oo aanay bulshadu hore uga war hayn,cadawga Somaliland-na hiil u noqon kara, kaasi oo qaranka u huursanayd oo u baahan in si hoose loo xaliyo,waxaana uu sheegay inaanay wali Hay’addaha Qaramada midoobay ee Hargeysa joogaa u aqoonsanayn Gobolada Sool iyo Sanaag inay ka tirsan yihiin dhulka Somaliland,islamarkaana ay diideen inay mashruuca Horumarinta Dawladda Hoose ee JPLG la gaadhsiiyaan caasimadaha Goboladaasi, waxaana uu yidhi ““Annaga Waddanku wuu noo siman yahay, Gobollada barigana Qaramada Midoobay ayaa hor-joogsatay oo tidhi weli kama shaqaynayno, waxaanuna haynaa Waraaqihii aanu u qornay.”waxaanay arintaasi abuuri kartaa khilaaf dhinaca Shaqada ah oo ka dhex qarxa Saylici iyo Muuse Biixi.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa marka loo eego hadalkan ka soo yeedhay wax badan kaga aragti duwan Madaxweyne Muuse Biixi waxaanay taasi keeni kartaa in Madaxtooyaddu haddii ay ugu yar tahay ka joojiso inuu warbaahinta si shaqsi ah ula hadlo si aanay hadalo noocan oo kale ahi mar dambe uga soo yeedhin oo muujinaya sida ay ugu kala duwan yihiin aragtiyo badan balse aan la ogayn in M/xigeenku ka badheedhey markii ka hadlayay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS