BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaarihii Ugu Mudada Dheeraa Dalka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Faransiiska Iyo Taariikh Nololeedkiisa –
March 20, 2018 - Written by admin

-Raysal wasaarihii ugu mudada dheeraa dalka Jabuuti Barkhad Guurad Xamaduu ayaa ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Barkhad Gaarud Xamaduu ayaa wadanka jabuuti raysal wasaare ka ahaa mudo aad u badan oo gaadhaysa dhawryo sodon sanadood, isaga oo raysal wasaare u soo noqday madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Xasan Guuleed Abtidoon iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Alle haw naxariistee Barkhad Gaarud Xamaduu ayaa raysal wasaare u noqday madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon mudadii u dhaxaysay 1979 ilaa 1999, iyada oo isla sanadkii 1999 uu dib u soo magacaabay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markii uu la wareegay talada dalka.

Barkhad Gaarud Xamaduu ayaa jagada raysal

wasaarenimo ee dalka Jabuuti iska casilay sanadkii 2001, isaga oo warqada iscasilaadana u gudbiyey madaxweyne Geelle, waxaanu ku cudur daartay inaanu sii wadi Karin shaqada sababo la xidhiidha caafimaadkiisa, isaga oo mudooyinkii ugu dambeeyeyna xaalad caafimaad u joogay dalka Faransiiska.

Sidoo kale raysal wasaarihii hore ee dalka Jabuuti Barkhad Gaarud Xamaduu ayaa xilal ka soo qabtay dalka jabuuti wakhtigii gumaystaha isaga oo noqday xildhibaan, waxaanay dadka reer jabuuti si weyn ugu xasuusan doonaan kaalintii uu ka qaaday midnimada shacabka dalkaas, wakhtigii lagu jiray dagaaladii sokeeye.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS