BALIGUBADLE MEDIA
Nin Muslimiin masaajid ku laayay oo dambigiisa qirtay
March 29, 2018 - Written by admin

Nin reer Canada ah oo lagu eedeeyay in uu dilay lix ruux oo Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayay masaajid ku yaalla Quebec sannadkii 2017kii ayaa qirtay dhamaan dacwadihii loo haystay, inkastoo uu markii hore diidanaa dambiyadaas.

Alexandre Bissonnette oo 28 jir ah ayaa wajahayay 6 dambi oo dil ah iyo lix dambi oo isku day dil ah.

Ninkan oo arday jaamacadeed oo hore ahaa ayaa qirtay dambiga Arbacadii, taas oo meesha ka saaraysa in dacwaddiisu ay sii jiitanto.

Bishii Janaayo markii ay 29 ahayd ayuu weerar ku qaaday xarunta Quebec Islamic Cultural Centre wuxuuna rasaas ku furay jameecadii masaajidka ku tukanaysay.

“Wajigabax ayaan dareemayaa wixii aan sameeyay awgeed,” ayuu ka yiri maxkamadda Quebec. “Argagixiso ma ihi, mana ihi nin Islaam nacayb biyo dhigtay”.

Bissonnette ayaa Isniintii diiday in uu qirto dambigaas, saddexda Abriilna waxaa billaaban lahayd xulista guurti arrintiisa ka fariisata.

Rag loo maxkamadaynayo in ay weerareen masaajid Australia ku yaalla
Giriigga oo dhisaya masaajid malaayiin doollar ku kacaya

Laakiin arrintaas ayuu durba ka laabtay sida uu ku warramay CBC Arbacadii.

Garsoore ayaase amray in xaaladdiisa caafimaad la soo qiimeeyo ka hor inta aan la diiwaan galinin ka laabashadiisa.

Sylvain Faucher oo arrimaha maskaxda ku takhasusay ayaa Arbacadii maxkamadda u sheegay in uu la kulmay Bissonnette uuna rumaysan yahay in uu maskaxdiisa u badalay in uu murugo dareemay uuna doonayo in qoysaskii ay dadku ka dhinteen aysan “xannuun kale dareemin”.

Waxaa laga yabaa in uu wajaho ilaa 150 sano oo xabsi ah.

Dad masaajid ka soo baxay oo lagu xabbadeeyay Faransiiska
Magaalo qadiimi ah oo masaajid leh oo laga helay Itoobiya

Bissonnette ayaa qirtay in uu weerarkii bishii Janaayo ku dilay Khalid Belkacemioo 60 jir ah, Azzedine Soufiane oo 57 jir ah, Cabdelkrim Xasane oo 41 jir ah, Mamadou Tanou Barry oo 42 jir ah, Abuubaker Thabti oo 44 jir ah iyo Ibraahima Barry oo 39 jir ah.

Shan ruux oo kale si xun ugu dhaawacantay weerarkaas oo habeen Axad ah dhacay, waxaana dadkaas ka mid ahaa Aymen Derbali oo baaralaays noqday.

source: bbc

COMMENTS