BALIGUBADLE MEDIA
Kornayl Muuse Biixi oo Maalintii Shalay Ka Baxsaday Mudaharaad Lagaga Abaabulay Gudaha Hargeysa
March 20, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland kornayl muuse biixi ayaa maalintii shalay markii uu madaarka ka soo dagay ka war helay in mudaharaad wayn oo isaga iyo xukuumadiisa lagaga soo horjeeda ka istaadhanyahay wadada dheer ee tagta madaarka hargeysa.

news3

dadwaynaha agagaarkaas mudaharaadka ka abaabulay ayaa ka biyo diidsanaa aflagaadda wasiirka warfaafinta kornayl muuse biixi kula kacay hablaha beelwaynta ciidagale ilaa haddana aanu wasiirkaas kornayl wax talaabo ah ka qaadin.

dhanka kale kornayl muuse biixi ayaa markii uu ku warhelay mudaharaadka ka baydhay masalaha hargeysa halkaas oo uu uga talaabay guriga uu deganyahay.

isku soo wada duuboo kornayl muuse ayaa noqonaya madaxwayne xilli uu kursiga fadhiyo mudoo afar bilood ka yar durba fashil wayni ku habsaday islamarkaana aan kalsooni ka haysan qaybo kamida caasimadda hargeysa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS