BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Ku Sii Adkaysanaya Siyaasadiisa Laba Wajiilaynta Ah Iyo Heshiis Qarsoodiya oo La Filayo Inuu Turkiga Ku Siiyo Deked Iyo Saldhig Milatari
March 24, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi ayaa wali ku adkaysanaya siyaasadiisa laba wajiilaynta ah ee uu kula kala socdo dalalka is khilaafsan ee jabuuti iyo imaaraadka

breaking news

muuse biixi oo ay xidhiidh xididtinimo oo dhaw leeyihiin madaxwaynaha jabuuti ayaa la filayaa inuu saxeexo heshiis qarsoodiya oo saddex geesood ah taas ay dawladda jabuuti dilaal ka tahay islamarkaana deked cusub iyo saldhig milatari lagu siinayo dawladda turkiga

warar lagu kalsoonyahay oo baligubadlemedia heshay ayaa sheegaya in kornayl muuse biixi saylac ka siinayo deked cusub oo ay maalgalin doonto dawladda turkigu iyo sidoo kale saldhig milatari oo isna laga dhisi doono isla magaaladaas

todobaadkii hore ayay ahayd markii safiirka somaliland ee jabuuti magaaladda saylac keenay wafti safiiro iyo ganacsato iskugu jira oo ka soo jeeda dalka turkiga

qorshahan kale ee uu muuse biixi la wado madaxwayne geelaha jabuuti ayaa dhirbaaxo wayn ku ah heshiiska saddex geesoodka ah ee dawladda imaaraadku kaga jirto dekedda berbera waxaanaynu ka warsugi doonaa talaabadda dawladda imaaraadku kaga jawaabto qorshahan cusub ee ay wada wataan dawladdaha turkiga iyo jabuuti kuwaas oo ay ku doonayaan inay ku wiiqaan saamaynta dawladda imaaraadku ku leedahay somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS