BALIGUBADLE MEDIA
Mulkiilaha Shirkada DP World oo Ka Hadlay Go’aankii Barlamaanka Somalia Ku Mamnuuceen Shirkadiisa.
March 16, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Shirkadda  Imaaraadka carabta laga leeyahay ee  DP World,  Sultan Bin Sulayman,  ayaa shaaciyey  inay shirkadiisu   sii wadi doonto maalgashiga Somaliland sannadkan 2018ka, waxaanay qayb ka tahay 1.4 Bilyan Doolar  oo shirkadu u qorshaysay in ay caalamka ku maalgeliso.

sultan

Warbaahinta Gulf News  oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee  Dubia ayaa baahisay in Guddoomiyaha DP World uu  buuq iyo hadal  ku tilmaamay  go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay ku cambaareeyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadiisa ee la xidhiidhay casriyeynta dekedda Berbera.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan  ayaa tilmaamay  in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan 28kii sannadood ee la soo dhaafay, isla markaana ay heshiisyo la gashay dalal iyo shirkado badan oo caalamka ka mid ah.

Guddoomiyaha DP World  oo wax la weydiiyey  codbixintii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu yidhi  “Runtii taasi nama khusayso, sababta oo ah Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu samayn karaa qaylo iyo hadal ay soo saaraan, laakiin xaqiiqda runta ah  Berbera [Somaliland] waxay heshiisyo kula jirtaa dalal badan oo dunida ah iyo shirkado badan taasina waxay waafaqsan yihiin sharcigooda.

Qorshaha shirkadda DP World ku dhawaaqday ayaa ku soo beegmay iyadoo dalka isu tagga Imaaraadka carabta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa oo halkaas u jooga inay  maamuleyaasha UAE ay kala hadlaan sii xoojinta iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS