BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo La Filayo Inay Ka Garnaqdo Dacwad Nooceedu Ku Cusubyahay Dalka
March 12, 2018 - Written by admin

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa loo gudbiyey dacwad nooceedu cusub yahay oo ku saabsan takoor lagula kacay wiil naafo ah.

news deg ah

Garyaqaan Mubaarig Cabdi ayaa maxkamada gobolka Hargeysa u gudbiyey dacwad ka dhan ah meherada Café Barbera oo ku taala magaalada Hargeysa, taas oo lagu dacwaynayo takoor ay kula kacday wiil yar oo naafo ah.

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa gudbinta dacwadan soo bandhigay, isaga oo qoraal uu ku baahiey bogiisa Facebook ku yidhi “Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayuu qareen Mubaarik Cabdi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cafe Barbera, Hargeysa, isaga oo ka wakiil ah wiil yar oo lagu takooray naafonimo.
Dastuurka Somaliland iyo xeerka caalamiga ah ee xuquuqal insaanku waxaay mamnuuceen in qof la takooro sababtu noocay doonte ha noqotee.”

Dacwadan ayaa noqonaysa mid ku cusub dhagaha bulshada somaliland, iyada oo dastuurka somaliland iyo xeerarka xuquuqda bina aadankuna ay mamnuuceen nooc kasta oo takoor ah oo lagula kaco qayb ka mid ah bulshada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS