BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Iyo Shiinaha oo Ku Loolamaya Jabuuti Iyo Jawaabta Jabuuti Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Dawladda Washington
March 7, 2018 - Written by admin

Dawladda Jabuuti ayaa si kulul u sheegtay in aanu dalkeedu noqon doonin madal ay ku loolamaan Quwadaha dunida sida Shiinaha iyo Maraykanka kadib markii dawladda Maraykanku walaac ka muujisay in Shiinuhu la wareego dekedda Dooraale ee dhawaan laga eryay Dp World.

madaxwayne geele

“Aanu aad u caddayno, dawladda Jabuuti, dadkeeda iyo hoggaankeeduba waa kuwo la isku hallayn karo, lagu kalsoonaan karo daacadna u ah bahwadaagtooda. Waanu qiimayna dhammaan saaxiibadayada iyo bahwadaagtayada, khalad kuma samayno, Jabuuti waxay inta badan difaacda danaheeda Qarannimo, wax walba waxa ka horeeya Jabuuti,” Sidaas ayuu wasiirka maaliyadda Jabuuti Mr Idiris M. Dawaale ku qoray boggiisa Twitter-ka.

Hase ahaatee Bruno Maçães oo ah qoraa iyo falanqeeya siyaasadda juquraafiyadeed ayaa hadalka wasiir Dawaale kaga jawaabay in sida uu dhawaan ku bandhigay qoraal uu sameeyay ay lama huraan tahay gorgortan dagaal isu rogi kara oo dawladda Maraykanka iyo Shiinaha ku dhexmara Jabuuti si kasta oo wasiir Dawaale u dafiro arrintan.
Hadalkaasi waxa degdeg uga jawaabay wasiir Dawaale oo yidhi “ Wali waan beeninaya saaxiib, Jabuuti maaha mana noqonayso meel ay xiisad ku dhexmarto dalalka Awoodda leh(Superpowers) ee ah saaxiibadayada muddada dheer ee fadhigoodu yahay Jabuuti. Danaha dawladda Maraykanka ee Jabuuti cidna sinaba uma waxyeelanayso. Dhammaantood si isku mid ah ayay noo yihiin bahwadaagtayada oo Shiinuhu ku jiro,”

Jeneraalka ugu sareeya ee saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay in ay aad uga walwalsanyihiin suurtogalnimada in Shiinaha uu la wareego dekada Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World. Waxa uu sheegay in ciidammadda ay wajihi doonaan “cawaaqib daran” haddii Shiinaha uu halkaas soo galo.

Dowladda Jabuuti ayaa bishii hore DP World ka wareejisay maamulka dekada Dooraale ee ay kasoo degaan qasacadaha qafilan ee xamuulka (kunteenarada), iyada oo sheegtay in shirkadda ay xalin weysay muran soo jiitamayay illaa sanadkii 2012-kii.

Dhagaysi ay u fadhiisteen xildhibaannada Congress-ka Maraykanka maalintii Salaasada waxa inta badan hadheeyay kaalinta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika, waxayna sheegeen in ay ka warheleen warar sheegaya in Jabuuti ay dekada ula wareegtay si ay hadiyad ahaan ugu siiso Shiinaha.

Jeneraal Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in haddii Shiinaha ay xayiraado kusoo rogaan isticmaalka dekada, in taas ay saamayn doonto in maraakiibta dagaalka Maraykanka ay shidaal ka qaataan meesha.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

 

COMMENTS