BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynihii Hore Somaliya Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Taagan Somaliya Iyo Sida Uu Xalka U Arko.
March 31, 2018 - Written by admin

Madaxwaynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka kala qaybiyay baarlamaanka dalka Somaliya ee ka dhashay mooshinka laga soo gudbiyay gudoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Shariif sheikh Axmed ayaa ugu baaqay madaxda qaranka Somaliya in ay dalka badbaadiyaan oo ay khilaafka sifo sharci ah lagu dhameeyo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga xidhiidhka bulshada, waxaanu qoraalku udhignaa sidan:-

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo

maanka lagu haayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.” Ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka digay go’aano si qaldan loo adeegsado inay ka dhacaan dalkaa, kuwaasi oo sababi kara qal-qal siyaasadeed.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
“waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.”

Ugu dambeyn Shariif Sheekh Axmed, ayaa soo jeediyay in qaab isfahan ah lagu xaliyo dhamaan khilaafaadka taagan, haddii taasi suuragal ay noqon waydana lagu xaliyo Dastuurka dalka u yaal.

“Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.”

 

COMMENTS