BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Trump oo u hambalyeeyay Putin
March 21, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la hadlay dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin si uu ugu hambalyeeyo guushii uu doorashada ka gaaray maalmo ka hor.

Wuxuu sheegay in ay kulmi doonaan si ay isula soo qaadaan tartanka dhanka hubka, xaaladda Ukraine iyo Suuriya.

PUTIN(3).jpg

Putin ayaa si wayn ugu guulaystay doorashada isaga oo helay in kabadan 76% codadkii la dhiibtay, waana markii afraad ee uu guulaysto isaga oo lix sano oo horleh sii hogaamin doona Ruushka.

Laakiin mucaarad xoog badan ma jirin maadaama oo doorashada laga hor istaagay Alexei Navalny oo ahaa hogaamiye mucaarad.

Trump ayaa sheegay in tartanka dhanka hubka ah ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Ruushka “uu gacmaha ka sii baxayo… balse uusan ogolaan doonin in ciddana ay hesho wax ku soo dhaw waxa uu Maraykanku haysto”.    Faransiiska oo ka digay in la faquuqo Trump iyo Putin

Laakiin kama uusan hadlin mawduuca xasaasiyadda sii kordhaysa ka dhaliyay reer Galbeedka taas oo ay ku sheegeen in Ruushku uu sumeeyay Sergei Skripal oo horay basaas u soo noqday iyo gabadhiisa Yulia oo Britain ku sugnaa.

UK ayaa Ruushka ku eedaysay in uu ka dambeeyay suntan neerfaha waxyeesha ee lagu dilay ninkaas, laakiin Ruushku wuu diiday in uu ku luglahaa arrintaas.

bbc

COMMENTS