BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Trump Oo Badalay Lataliyihiisii Ammaanka Qaranka
March 23, 2018 - Written by admin

Madaxweyne Donald Trump ayaa badalay lataliyihii ammaanka qaranka Maraykanka McMaster isaga oo ku badlay wasiirka difaaca ee wakhtigii madaxweyne Bush, John Bolton ninkan ayaa sidoo kale horay u soo noqday danjirihii Maraykanka ee Qaramada Midoobay.

bolton

Trump ayaa Twitterka ugu hambalyeeyay McMaster, wuxuuna sheegay in uu hawl wanaagsan qabtay uuna waligii ahaan doono saaxiibkii”.

Bolton oo taageeray in la weeraro Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in ay shaqadiisu noqon doonto in uu xaqiijiyo in madaxweynuhu uu helo “talooyin kala duwan oo dhamaystiran”

McMaster ayaa noqonaya qofkii  u dambeeyay ee isaga oo darajo sare haya ka huleela Aqalka Cadee looga arrimiyo Maraykanka.

Toddobaadkii hore Trump ayaa eryay wasiirkii arrimaha dibada ee Maraykanka Rex Tillerson isaga oo Twitter adeegsaday, wuxuuna ku badalay madaxii hore hay’adda dambibaarista Maraykanka ee CIA Mike Pompeo.

Magacaabidda Bolton ansixin ugama baahna aqalka Senetka ee Maraykanka, wuxuuna noqon doonaa qofkii saddexaad ee ammaanka qaranka kala taliya Trump muddo 14 billood ah. Wuxuu shaqada la wareegi doonaa 9 Abriil.

Sources: BBC Somali

COMMENTS