BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Kornayl Biixi oo Guddida Doorashooyinka Ka Difaacay Eedaymo Uga Yimid Xisbiga Waddani
March 26, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab ka bixiyey dacwad ka dhan ah guddida doorashooyinka qaranka oo uu u soo gudbiyey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

muuse is casilaad

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd u jeedinayey mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay dacwada Waddani, waxaanu sheegay inay tahay mid sharciga baal marsan.

Jawaabta uu madaxweyne Muuse Biixi ka bixiyey dacwada xisbiga Waddani ayaa u dhignayd sidan:-

Xisbiga Waddani waxa u u ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatayNovember 13, 2017-kii.

KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.

Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka.”ayuu khudbadiisa ku yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS