BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Wajahaya Laba Darran Mid Dooro iyo Fadeexado Foolxun oo Dul Hooganaya
March 3, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland kornayl muuse biixi cabdi ayaa wajahaya labadda daran mid dooro kadib markii uu mr biixi lacago is khilaafsan ka kala qaatay dawladda imaaraadka iyo jabuuti kuwaas oo khilaaf baahsani ka dhexeeyay maalmihii u dambeeyay

majaalilayste muuse

madaxwayne biixi ayaa lacag gaadhaysa 50 milyan ka soo qaatay dawladda jabuuti taas oo uu balanqaad ugu sameeyay inuu gabi ahaanba meesha ka saaro heshiiska dekedda berbera ee shirkadda dp world

dhanka kale isla madaxwayne biixi ayaa lacag 30 milyan carbuuna ka qaatay dawladda imaaraadka si uu u fuliyo heshiiska somaliland iyo imaaraadka ee dekedda berbera

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaa jeebkiisa iskugu geeyay lacago is khilaafsan kuwaas oo uu kala kulmi karo fadeexado foolxun waxaana bulshaddu iswaydiinaysaa lacagaha is khilaafsan ee madaxwaynuhu qaatay teebuu hawsheeda fulin doonaa

isku soo wada duuboo gabay uu tiriyay abwaan muuse aaye ayaa waxa kamid ahaa
ninyahaw labadda ginni een is gayin jeeb iskugu geeyay
waagii guduutaba ninyahaw guraya mayd beena
walee laba gacmoodshoow kaama guro sheeko

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS