BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Kuuriyadda Koonfureed oo Shiinaha Ugu Baaqay Inaanu Is Cajabin.
March 20, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay in ay waajib tahay in Shiinuhu uusan is cajabinin marka uu fiiriyo horumarka uu ku tallaabsaday.

xipijin

Isaga oo khudbad ka jeedinaya gabogabada shirka sannadlaha ah ee baarlamaanka ayuu Xi sheegay in Shiinuhu uu marayo marxalad adag marka taariikhdiisa la fiiriyo waxa kali ah ee badbaadin karana uu yahay habka hantiwadaagga.

Waxaa kale oo uu ka digay gooni ugoosashada Taiwan iyo iskudayga lagu soo doonayo in Shiinaha lagu kala qaybiyo.

Xi ayaa hadda loo diyaariyay in uu xilka hayo inta cimrigiisa ka dhiman ka dib markii baarlamaanku ay meesha ka saareen xadidaadii labada jeer ahayd ee xilka madaxweynenimada.

Mawshinkaas waxaa si aqlabiyad ah u meelmariyay ku dhawaad 3,000 oo ergo ah oo fadhiday markii uu kulanku billawday.

Baarlamaanka ayaa sannadkiiba hal mar shira. Wuxuuna shaambad muhiim ah u yahay isbadallada ay masuuliyiintu go’aansadaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS