BALIGUBADLE MEDIA
Kornayl Muuse Biixi oo Kursigu Ku Balaadhay Iyo Kulankii Saddexaad oo uu Iskiugu Yeedhay Golayaasha Qaranka Bil Gudaheed
March 29, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha aan xukuumadiisa loo dhamayn kornayl muuse biixi cabdi ayaa u muuqda inuu ku habsaday fashil baahsan oo dhinaca maamulka iyo maaraynta ahi kadib markii uu shaqadda qaranka u fahmay shirar kala gadisan oo uu la qaato madaxda axsaabta, shirgudoonadda baarlamanka iyo komishanka lagu muransanyahay ee doorashooyinka.

kornayle

kornayl muuse biixi ayaa muddo bil gudaheed ah kulamo iskugu yeedhay saddexdan qaybood ee aynu kor ku soo xusnay waxaanay arintani muujinaysaa fashilka baahsan ee dul hooganaya kornayl muuse biixi oo ay shaqadii dalku ku baahday islamarkaana ay cajaladu kaga dhagtay kulmadda warbaahinta la mariyo ee uu la yeesho madaxda axsaabta golayaasha qaranka iyo komishanka

isku soo wada duuboo kulankan uu caawa la qaatay madaxda xisbiyadda iyo shirgudoonka baarlamanka ayaanu ka soo qaygalin gudoomiyaha xisbiga waddani sidoo kale mr biixi isla maalintii shalay wuxuu kulan la qaatay komishanka doorashooyinka ee lagu muransanyahay waxaanay arimahani muujinayaan fashilka baahsan ee dul hooganaya kornayl muuse biixi iyo xukuumadiisa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS