BALIGUBADLE MEDIA
Kornayl Muuse Biixi oo Xaqul Qalinkii uu Ka Qaatay Imaaraadka Ugu Jawaabay Dawladda Qadar
March 19, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar in ay ka soo horjeedo heshiiska dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland.

kornayle

Madaxweynaya ayaa warbaahinta ka hor sheegay in Somaliland wax xidhiidh ganacsi mid iskaashi ah toona la laheyn dowladda Qatar, laakiin taa badalkeeda xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah la leedahay dawladda Imaraadka Carabta.

”Waxaan leeyahay Qatar waxaa ay cadaw ku tahay oo ay ka soo horjeedaa heshiiska ganacsi ee dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland” ayuu yiri Muuse Biixi oo la hadlayay Warbaahinta Al-Ceyn.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudi Arabia ayuu sheegay in ay ku dhaqan yihiin ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo maalgashadayaal ah, halka Qatar uu ku sheegey in ay sidaa oo kale aheyn.

Muuse Biixin ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ayaa kulamo kala duwan halkaa kula yeeshey mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka iyo Jaaliyada Somaliland ee halkaa ku dhaqan, waxaana uu safarkiisa imanaya xili muran uu ka jiro heshiiska dekedda Bebera oo ay kala saxiixdeen DP World iyo Somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS