BALIGUBADLE MEDIA
Indho Sarcaad: Shacabka Xuquuqdoodii La Dulmay ee Loo Tilmaamayo Farmaajo Iyo Muqdisho
March 15, 2018 - Written by admin

somaliland ayaa markii ugu horaysay gashay marxalad khatar ah waxaanuu dalku gacanta u galay koox calooshood u shaqaystayaal ah oo leh heer madaxwayne ilaa wasiir.

muuse afwayne

ninkii sheeganayay madaxwaynaha dalka ayaa isagu isku badalay dilaal qaranka siista xaqul qalin yar oo aan qarankani u qalmin wuxuu u shaqeeyaa cadaw shisheeye oo somaliland duulaan ku ah sida jabuuti iyo qaar lamida

kama madhna ee sidoo kale wuxuu xidhiidh toosa la leeyahay muqdisho isagoo daqiiqado ula hadla madaxwayne farmaajo hadana shacabka wuxuu ugu matalaa filim isagoo iska dhiga inuu fagaarayaasha dalka ugu hanjabayo dawladda somaliya dhamaan qodobadani waa siyaasadda been hawaaska ah ee kornayl muuse biixi

hamigiisa ugu wayn ee uu ku hamiyaa waa inuu lacag helo ma jirto lexla jeclo kale oo uu ka leeyahay umaddani.sidoo kale wuxuu muddo gaaban oo uu joogay mashaariic naasnuujina siiyay boqolaal dhalinyaro qoyskiisa ah kuwaas oo hadda ku xisaabtama malaayiin dolar iyadoo faahfaahsan waanu idiin soo gudbin doonaa.

isku soo wada duuboo shacabka dalka ku dhaqan ayaa kolba loo saaraa heesihii maaweeladda ee caruurta iyagoo aan ogayn waxa ka hooseeya tilmaanta farmaajo inay u jawaabaan mana garanayaan waxa ay ku haystaan farmaajo maadaama oo dalkoodii uu haysto shakshi ka xun farmaajaha aanay waxba ka dhaxayn ee ay u jawaabayaan balse garaadka dadkani wuxuu yaqaanaa kaliya jawaabta farmaajo mase garan karaan inay jawaab ku haboon siiyaan kornayl muuse biixi oo ku tumanaya masiirkii umadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS