BALIGUBADLE MEDIA
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qaatay baasaboor been abuur ah
March 2, 2018 - Written by admin

Cadaymo cusub oo soo ifbaxay ayaa muujinaya in hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo aabihiis oo xilka kaga horeeyay Kim Jong-il ay qaateen baasaboor been abuur ah oo dalka Brazil ah sanadihii 1990-naadkii.

jose

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa heshey dokumentiyo cusub oo arrinta la xiriira, waxaana Kim Jong-un baasaboorka ugu qoran “Josef Pwag’, halka aabihiis ay ugu qorantahay “Ijong Tchoi”.

Saraakiisha sirdoonka Brazil ayaa wakaaladda wararka u sheegay in baasaboorka laga bixiyay safaaradda Brazil ee Czech sanadkii 1996-dii, yahayna baasaboor sax ah, balse loo maray qaab qaldan.

Baasaboor ayaa lagu dalbaday fiiso lagu galayo dal ka mid ah kuwa reer galbeedka.

Ma ahan markii koowaad oo baasaboor Brazil lala xiriiriyo qoyskan xukumada Kuuriyada Waqooyi, sanadkii 2011-kii, warbaahinta Japan ayaa tabisay in Kim Jong-un iyo walaalkiis Jong-chul ay ka qeybgaleen carwo ka dhacaysay Japan, iyaga oo dalkaas ku galay baasaboor Brazil ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurtogal tahay in qoyskani ay u istimaaleen baasaboor dalal kale si aanan durba loo aqoonsanin, islamarkaasna ay u tagaan halka ay doonaan.

Waxaa jira oo kale fikrado ka hadlaya in laga yaabo in Kim iyo aabihiis ay ka fikirayeen sidii ay uga baxsan lahaayeen dalkooda maadaamaa ay dareemeen in xaaladda ay aad ugu xuntahay, burburna qarka loo saarnaa.

Sababta Brazil baasaboorkeeda loo qaadanayo ayaa lagu sheegay in kala duwanaansha badan ee dadka ku nool dalkaas ay suurtogal ka dhigayso in inta badan dadka adduunka ku nool ay sheegan karaan in ay u dhasheen dalka Brazil.

bbc

COMMENTS