BALIGUBADLE MEDIA
“Hadalka Xoghayaha Guud Waa Been Abuur Cad, Manna Qarsoonna Mawqifka Xisbiga WADDANI” Xuseen Aadan Cadde
March 5, 2018 - Written by admin

-Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde, waxa uu si adag u naqdiyay heshiiska saddex geesoodka ah ee ay kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland, Shirkadda DP World iyo Dawladda Ethiopia, kaasoo uu sheegay innuu Sharci-darro yahay, isla markaanna ay Ummadda ku jujuubbayaal Shaqsiyaad dano dhaqaale u galay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex Xuseen Aadan Cadde waxa uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, kaasoo sheegay in Xukuumadda, Goleyaasha, Axsaabta iyo Shacabka reer Somaliland ay wada meel-marriyeen Heshiiska shirkadda Maal-gashiga ee DP World, hase yeeshee Siyaasi Xuseen Aadan Cadde waxa uu

hadalkaas ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Shacabka Somaliland, isla markaanna uu Mr. Uurcadde ka been abuurray Aragtiddii siyaasiga ahayd ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka qabay Heshiiskaas, waxaannu sheegay in markii hore iyo imikabba uu Xisbiga WADDANI ka soo horjeeddo Heshiiskaas xaarraanta ah ee dhawrka Xubnood tunka ku sitaan.

Siyaasiga Xuseen Aadan Cadde oo Qoraal uu arrimahaas kaga hadlay uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan

“Runtii Heshiiskan 1-dii bishan March, 2018 ay saddexda dhinac ku kala saxeexdeen magaalada Dubaia waxa ku jira Madmaddow fara badan, waanna Sharci-darro aan lala gabanayn. Xaqiiqdu waxay tahay Heshiiskan waxa ku jira oo muuqata Masuuliyad-darro wayn, waxaanna cad in waxeennii uun la isugu keen cel-celiyay, waayo Shirkadda DP World wax-ba innoomay qaban, oo ma jiro wax ay innagu soo kordhisay, waxayse meesha ka saartay Shaqaalihii xoogsatadda ahaa uun, waxaanna habboon in heshiiskan Madowga laga saarro oo si saxa Shacabka Somaliland loogu Caddeeyo, haddii kale maalin uun bay imanaysaa in Maxkamad la soo taago cidkastoo heshiiskan gacan ku lahayd.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex Xuseen Aadan Cadde

Xuseen Aadan Cadde waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “Xisbiga WADDANI mawqifkiisa ku aaddan heshiiskan hore ayuu u caddeeyay, haddana wuu cad yahay mawqifka uu ka taagan yahay, waxaan-se aad ula yaabbay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Uurcadde oo leh heshiiskaas waxa Sharciyeeyay Xukuumadda Somaliland, goleyaasha qaranka, Xisbiyadda iyo Shacabka Somaliland. Hadalkaas Uurcadde waa been abuur cad oo shacabka iyo Xisbiga WADDANI-ba ka sameeyay, waanna mid Shaqsiyaddiisa uun ku eg baan filayaa ee maaha mid uu ku matallaayo Xisbiga WADDANI. Heshiiskan sidii uu goleyaasha ku tagay waynu ogayn, mannay qarsoonnayn mawqifkii adkaa ee Xisbiga WADDANI iska taagay, ilaa haddanna Mawqifkiisii wax-ba iskaba badalin. Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu heshiiskaas u arkaa mid Xaarraan ah oo lagu tagri-fallaayo Hantidda shacabka Somaliland, waanna mid Madmaddow iyo wax qarrin badani ka muuqato, waxaannu Xukuumadda u soo jeeddinaynaa in ummadda si cad loogu soo bandhigo heshiiskaas oo haddii run laga sheegaayo Maal-gelintaas laga saarraa wixii tuhunnada iyo wax qarsiga ku jira.” Ayuu yidhi Mudane, Xuseen Aadan Cadde.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS