BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro oo Ka Cudurdaartay Kulan Degdega oo Kornayl Muuse Biixi Ugu Yeedhay Xisbiyadda Iyo Shirgudoonka
March 29, 2018 - Written by admin

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka gaabsaday inuu ka soo qayb galo shir deg deg ah oo madaxweyne Muuse Biixi iskugu yeedhay xisbiyada mucaaridka ah iyo shirgudoonka labada aqal ee baarlamaanka somaliland.

ciro00

Kulankan ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala tashanayey madaxda xisbiyada iyo baarlamaanka , go’aanka laga qaadanayo hadalada xanafta leh iyo ficilada ka soo baxaya dawlada soomaaliya.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka cudurdaartay inuu ka soo qayb galo kulankaasi, iyada oo wararku sheegayaan inaanu wakhti xaadirkan ku niyad samayn kulamada faraha badan ee madaxweyne Muuse Biixi hadyo jeer ka dalbado xisbiyada mucaaridka ah.

Gudoomiye Cirro ayey wararku sheegayaan inuu shirkaasi kaga mashquulay hawlo kale oo xisbiga Waddani la xidhiidha, isaga oo muujiyey sida aanu ugu faraxsanayn in madaxweyne Muuse Biixi markasta oo xaalado soo kordhaan uu qaylo dhaan u soo dirsado xisbiyada iyo shirgudoonka baarlamaanka, halka uu gudan lahaa waajibaadka ka saaran hogaaminta qaranka ee uu u xilsaaran yahay.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS