BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wakiiladda Sabtida U Fadhiisanaya Mooshinka Maayaradda Dalka Iyo Soltelko oo Awoodiisa Ugu Wayn Iskugu Gaynaya Laaluushka Xildhibaanadda
March 22, 2018 - Written by admin

Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa maalinta sabtida ah u balansan inay guda galaan mooshin ka dhan ah maayarada magaalooyinka.

soltelko carabla

Xildhibaanada wakiilada ayaa la filayaa inay dood ka yeeshaan mooshinka ka dhanka ah maayarada dalka, iyada oo la taliyaha dhinaca sharciga ee golahaasina uu cadeeyey in sharcigu ogol yahay in mooshinkaasi la hor keeno xildhibaanada isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda sharci.

Mooshinkan ayey xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu ku dalbanayaan in wax ka badal lagu sameeyo qaabka xilka looga qaadi karo maayarada dalka, iyada oo ay xildhibaanadu damacsan yihiin in cod hal dheeri ah laga dhigo xil ka qaadista maayarada dalka.

Dhinacakale Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ka mid ah maayarada dalka ee inta badan loo soo jeediyo eedaymaha dhinaca musuq maasuqa iyo cadaalada ayaa haatan bilaabay inuu olole ka sameeyo xildhibaanada golaha wakiilada, si meesha looga saaro mooshi nkaasi.

Maayar Soltelco oo lagu tilmaamo mid fadhiid ka dhigay golihii deegaanka ee la xisaabtami lahaa isla markaana ku kala furfuray lacagta umada laga ururiyo ee cashuurta iyo nidaam qabyaaladaysan oo ay ku taageeraan xildhibaanada ay isku deegaanka ka soo jeedaan ayaa haatan guclo orod ugu jira inuu saamayn ku yeesho go’aanka ay mooshinkaas ka qaadan doonaan xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS