BALIGUBADLE MEDIA
Gar-naqsiga Somaliland Ee Soomal-haadkii Soomaalinimo, Salka Wey Dhigtey SHantuse Isa Seeg. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax. (Jeesto).
March 19, 2018 - Written by admin

Xiligii  jibada  iyo  muraaqoodkii  walaaltinimada  Ee  1960kii  waxay  umada  reer  Somaliland  qaateen  iney  yagleelaan  Umad  Soomaaliyeed  oo  ka  kooban  Shan  Soomaaliya  kuna  kala  nool  shan  dawladood  oo  kala  duwan,  Wakhtigan  oo  umada  reer  Somaliland  uu  xoreeyey  mustacmarkii  Maxmiyadu  ama  (Britian  Or  United  Kingdom),  Balse  qiiradii  ka  danbaysay  xornimadu  sideedii  umay  suura-galin  waayo  SHanta  Soomaaliyeed,  Ee  kala  ah  (Somali-italian,  Somali-british,  Nfd,  Reserve  Area,  Iyo  Djabouti),  Gidigooduba  wey  kala  daneysteen  kaliyaata  waxa  faylkii  Soomaalinimo  sii  yara  matelay  labadan  dawladood  Ee  Koonta  Somaliya  Iyo  Somaliland.

Maxayse  kuugu  taalaa  labadan  dawladood  ee  hiigsanayey  iney  isu  keenaan  Soomaali  oo  dhan  ayaa  waxoogu  aanu  qiiro  dhaafsanayn,  Maney  jirin  wax  qorshe  ah  oo  lagu  duulayey  ama  dariiq  cadoo  lagu  baadi-goobayo  isu  soo  celinta   amaba  aan  idhaahdee  aas-aaska  umad  soomaaliya  oo  shan  geesood  ka  kooban,  Taasi  markay  dhicisawdey   labadan  dal  ee  Soomaaliya  Iyo  Somaliland  oo  ahaa   laba   dawladood   oo  ay  kala   xukumi  jireen  labadii  Mustacmar  Ee  Itally  Iyo  Britain  ayaa  yagu  qiiradii  isula  jaan-qaadey ,  Wakhtigan  ay   abuurayeen  Dawladii  hore  ee  Soomaaliya  labada  dal  Mey  Midoobin,  Isumay  Darsan,  Isumey  Biirin  Ee  way  Is  Raaceen  waliba  bilaa  shuruud,  Hadaba  hadii  maanta  midi  midka  kale  ka  waayo  aregtidiisa  ma  jirto  dabar  ama  xadhig  isu haya   oo  isu  xajinayaa.

Mid  kalena  waxay  tahay  umada  reer  Somaliland  himiladoodii  wey  waayeen  aheyd  Shan  Soomaaliyeed  isu  keena ,  Waayo  soomaalidii  dawlad  kastaa  dhinaceeda  ayey  u  danaysatey  markaa  maxaa  u  diidaya  iney  dawlada  Somaliland   maanta   yadu  kalideed  dawladnimadeedii  dib  ula  noqoto   yadoon  dawlad  kale  xukumayn  oo  yaduuni  is  xukumayso,  Sababtoo  ah  Soomaalida  inteeda   badan  waa  dawlado  la  haysto  oo   dawlado  kale  xukumaan,  Yadu  waa  tani   Somalilandne  iskeed  bay  isu  xukumaysaa  maadaama  ay  awelkeedii  hore  aheyd   dawlad  madax-banaan  oo   boqortooyadii  ingiriisku   gumaysan  jirtey, Markaa  maanta   cidi  leh   waa   naga   mid   iyo  anagaa   xukuna   waa   iney  riyada  ka  toosaan   waayo  wixii  la  doonayey  waa  la  waayey.

Ta  Saddexaad   umaduhu  hada  waxay  ku  midoobaan  ama  isu  fahmaan  waa  danno ,  Sidaa  darteed  Somaliland  waxay  ka  weyday  danteedii  iyo  himiladeed  mustaqbal  kuna  qotontey  dalnimadeeda  Soomaali  dhamaan  iyo  Soomaaliyaba,  Markaa  ma  yaalo  wax  loogu  mar-marsiyoodaa  Somaliland  ma  jirto  ama  geed  lagu  gabadaa  maanta   danteeda  ayey  guureysaa  yadoo  ku  dabaysan  masiiriyanka   umadeeda,  Midna   wey  gudatey  oo  danbi   kumey  lahayn  haday  soomaali  oo  dhan   isu  keen  ku  taamtey,  Balse  waa  lala  garan  waayey   oo  umadii  soomaaliyeed  mid  kastaa   danteeda  ayey  raacatey,  Yaduna   waxay  guureysaa  danteeda  geedigana  waxay  fureysaa  Guryo-samo  iyo  hadba  halkii  ay   danteedu  ay  ku  tahay  doomid  ama  barwaaqo.

Ama  quuso  ama  ha  quusan  arintaadu  waa  iska  hadlaw  (Ina  Igarre)  Ninka  maanta  Somaliland  dhaqaaqdey  la  daba-socda  hadalo  daciifa ,  Ee  ay  ugu   horeeyaan  inamadan  yar-yar  ee  Farmaajo  iyo  KHayre   oo  aan  yaga  is  idhi  malaha  ma  hayaan  Sooyaalka  Iyo  Taariikhda  umada  Soomaalida,  Waayo  horta  labaduba   waa  Qurba-joog  midna  waa  nin  iska  weyn  laakiin  kan  yaree  hadaladu  ka  daateen,  Ee  la  yidhaa  Xasan  Cali  Khayre  (Raysal-wasaaraha  Soomaaliya),  Kaasaan  isaga  beegsanayaa   horta  waa  fucaadii  dhexe  mana  aha  jaahil  laakiin  waxaan   u  maleynayaa  in  aanu  Akhrisan  buugaagta   Sooyaalka  Soomaaliyeed  haduu   akhristayna   waxa  uu   akhristey  kii  Dr.Saadiq  Eenaw  oo  isagu  ka  been  sheegay   taariikhda  umada  soomaalida   labadan  dalna  ku   tilmaamey  kuwa  Midoobey  balse  aanu  arinkaasi  jirin.

Markaa  talo  ahaan  waxaa  u   soo  jeedinayaa  Raysal-wasaaraha  Soomaaliya  Mr.khayre  inuu   diyaariyo  fealka  taariikhda  umada  Soomaalida,  Waayo  dunidu   taariikh  bay  ku  kala  socotaa  dhamaanteed  sida  ku  cad  Kitaabkeena  Quraankee  munasalka  ah  inta  ugu  badan  Qises  ayaa  tusaale  loo  soo   qaadanayaa  ,  Markaa  taariikhdu  nolosha   iyo  hogaaminta  waa  ku  badh  Khayraw  waa  iga  talo  inaad  iska  dhisto,  Sida  ku  cad  kutubta  Soomaalida  ugu  waa  weyn  Ee  Taariikhda   Labadan  wadan  wey  is-raaceen  may  midoobin   waxa  ka  mid  ah   buugii   taariikhiyahanka  Soomaalida  Amb:  Xuseen  Cali  Ducaale  (Cawil) , buugii  uu   luqada  qalaad  ku  qorey  ee la   odhan  jirey  (Identify  Somali  History),  Ama  (Baad-goob  Taariikh  Soomaaliyeed), Iyo  kiisa  kale  ee  (Raad-raac).

Ugu  danbayntii  hadaanu  nahay  reer  Somaliland  waxaan  ku  Gar-naqsanaynaa  inaan  la   noo  tix-galin   himiladii  waagii  aanu  dawladnimadayada  ku  diiqney ,  Hadaba  sidaa  darteed  maanta  waxaan  xiganay  dantayadii  maney   jirin  dunida  diiwaankeedana  kuma  taalo  iney  Somaliland  ka  mid  aheyd  Soomaaliya,  Marka  laga  tago  is-raacii  lixdankii  balse  aaney  jirin  wax  hore  oo  xidhiidha   oo  ka  dhexeeyey  labadan  dal ,  Sida  ka  mid  ahaansho  ama  iney  wax  wada  leeyihiin   wixii   ka  horeeyey  lixdankii  sidaa  awgeed  ma  soconayso  mala-awaalkii   iyo   qiiradii   shalay  labada  dawladood  isugu  yimaadeen,  Waana   arin  laga   gudbey  oo  wakhtigeedii  la  soo  dhaafey  Soomaalidaa  Tidhaahda  (Ninba  Ceesaantii  Ceel  Gaysay),  Xaqiiqatan  ceesamaha  Somaliland  iyo  Soomaaliya  Isu  ceel  ma,aha  yaan  loo  daymo  la,aan.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid   Faarax (Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS