Gar-naqsiga Somaliland Ee Soomal-haadkii Soomaalinimo, Salka Wey Dhigtey SHantuse Isa Seeg. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax. (Jeesto).
March 19, 2018 - Written by admin
Xiligii jibada iyo muraaqoodkii walaaltinimada Ee 1960kii waxay umada reer Somaliland qaateen iney yagleelaan Umad Soomaaliyeed oo ka kooban Shan Soomaaliya kuna kala nool shan dawladood oo kala duwan, Wakhtigan oo umada reer Somaliland uu xoreeyey mustacmarkii Maxmiyadu ama (Britian Or United Kingdom), Balse qiiradii ka danbaysay xornimadu sideedii umay suura-galin waayo SHanta Soomaaliyeed, Ee kala ah (Somali-italian, Somali-british, Nfd, Reserve Area, Iyo Djabouti), Gidigooduba wey kala daneysteen kaliyaata waxa faylkii Soomaalinimo sii yara matelay labadan dawladood Ee Koonta Somaliya Iyo Somaliland.
Maxayse kuugu taalaa labadan dawladood ee hiigsanayey iney isu keenaan Soomaali oo dhan ayaa waxoogu aanu qiiro dhaafsanayn, Maney jirin wax qorshe ah oo lagu duulayey ama dariiq cadoo lagu baadi-goobayo isu soo celinta amaba aan idhaahdee aas-aaska umad soomaaliya oo shan geesood ka kooban, Taasi markay dhicisawdey labadan dal ee Soomaaliya Iyo Somaliland oo ahaa laba dawladood oo ay kala xukumi jireen labadii Mustacmar Ee Itally Iyo Britain ayaa yagu qiiradii isula jaan-qaadey , Wakhtigan ay abuurayeen Dawladii hore ee Soomaaliya labada dal Mey Midoobin, Isumay Darsan, Isumey Biirin Ee way Is Raaceen waliba bilaa shuruud, Hadaba hadii maanta midi midka kale ka waayo aregtidiisa ma jirto dabar ama xadhig isu haya oo isu xajinayaa.
Mid kalena waxay tahay umada reer Somaliland himiladoodii wey waayeen aheyd Shan Soomaaliyeed isu keena , Waayo soomaalidii dawlad kastaa dhinaceeda ayey u danaysatey markaa maxaa u diidaya iney dawlada Somaliland maanta yadu kalideed dawladnimadeedii dib ula noqoto yadoon dawlad kale xukumayn oo yaduuni is xukumayso, Sababtoo ah Soomaalida inteeda badan waa dawlado la haysto oo dawlado kale xukumaan, Yadu waa tani Somalilandne iskeed bay isu xukumaysaa maadaama ay awelkeedii hore aheyd dawlad madax-banaan oo boqortooyadii ingiriisku gumaysan jirtey, Markaa maanta cidi leh waa naga mid iyo anagaa xukuna waa iney riyada ka toosaan waayo wixii la doonayey waa la waayey.
Ta Saddexaad umaduhu hada waxay ku midoobaan ama isu fahmaan waa danno , Sidaa darteed Somaliland waxay ka weyday danteedii iyo himiladeed mustaqbal kuna qotontey dalnimadeeda Soomaali dhamaan iyo Soomaaliyaba, Markaa ma yaalo wax loogu mar-marsiyoodaa Somaliland ma jirto ama geed lagu gabadaa maanta danteeda ayey guureysaa yadoo ku dabaysan masiiriyanka umadeeda, Midna wey gudatey oo danbi kumey lahayn haday soomaali oo dhan isu keen ku taamtey, Balse waa lala garan waayey oo umadii soomaaliyeed mid kastaa danteeda ayey raacatey, Yaduna waxay guureysaa danteeda geedigana waxay fureysaa Guryo-samo iyo hadba halkii ay danteedu ay ku tahay doomid ama barwaaqo.
Ama quuso ama ha quusan arintaadu waa iska hadlaw (Ina Igarre) Ninka maanta Somaliland dhaqaaqdey la daba-socda hadalo daciifa , Ee ay ugu horeeyaan inamadan yar-yar ee Farmaajo iyo KHayre oo aan yaga is idhi malaha ma hayaan Sooyaalka Iyo Taariikhda umada Soomaalida, Waayo horta labaduba waa Qurba-joog midna waa nin iska weyn laakiin kan yaree hadaladu ka daateen, Ee la yidhaa Xasan Cali Khayre (Raysal-wasaaraha Soomaaliya), Kaasaan isaga beegsanayaa horta waa fucaadii dhexe mana aha jaahil laakiin waxaan u maleynayaa in aanu Akhrisan buugaagta Sooyaalka Soomaaliyeed haduu akhristayna waxa uu akhristey kii Dr.Saadiq Eenaw oo isagu ka been sheegay taariikhda umada soomaalida labadan dalna ku tilmaamey kuwa Midoobey balse aanu arinkaasi jirin.
Markaa talo ahaan waxaa u soo jeedinayaa Raysal-wasaaraha Soomaaliya Mr.khayre inuu diyaariyo fealka taariikhda umada Soomaalida, Waayo dunidu taariikh bay ku kala socotaa dhamaanteed sida ku cad Kitaabkeena Quraankee munasalka ah inta ugu badan Qises ayaa tusaale loo soo qaadanayaa , Markaa taariikhdu nolosha iyo hogaaminta waa ku badh Khayraw waa iga talo inaad iska dhisto, Sida ku cad kutubta Soomaalida ugu waa weyn Ee Taariikhda Labadan wadan wey is-raaceen may midoobin waxa ka mid ah buugii taariikhiyahanka Soomaalida Amb: Xuseen Cali Ducaale (Cawil) , buugii uu luqada qalaad ku qorey ee la odhan jirey (Identify Somali History), Ama (Baad-goob Taariikh Soomaaliyeed), Iyo kiisa kale ee (Raad-raac).
Ugu danbayntii hadaanu nahay reer Somaliland waxaan ku Gar-naqsanaynaa inaan la noo tix-galin himiladii waagii aanu dawladnimadayada ku diiqney , Hadaba sidaa darteed maanta waxaan xiganay dantayadii maney jirin dunida diiwaankeedana kuma taalo iney Somaliland ka mid aheyd Soomaaliya, Marka laga tago is-raacii lixdankii balse aaney jirin wax hore oo xidhiidha oo ka dhexeeyey labadan dal , Sida ka mid ahaansho ama iney wax wada leeyihiin wixii ka horeeyey lixdankii sidaa awgeed ma soconayso mala-awaalkii iyo qiiradii shalay labada dawladood isugu yimaadeen, Waana arin laga gudbey oo wakhtigeedii la soo dhaafey Soomaalidaa Tidhaahda (Ninba Ceesaantii Ceel Gaysay), Xaqiiqatan ceesamaha Somaliland iyo Soomaaliya Isu ceel ma,aha yaan loo daymo la,aan.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS