BALIGUBADLE MEDIA
Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Imaaraadku Waqtigan Somaliland ula Macaamilo Dal Iyo Dawlad Madax-Bannaan
March 18, 2018 - Written by admin

Gudddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Feysal Cali Waraabe ayaa difaacay heshiiska dekedda lagu maalgelinayo ee ay Somaliland la gaadhay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World.

faysal

Eng. Feysal Cali War aabe oo ka mid ahaa weftigii madaxweynaha Somaliland u raacay dalka Imaaraadka ayaa sheegay in waqtigan ay dawladda Imaaraadka Carabtu Somaliland ula macaamisho, sidii dal madax-bannaan waxaanu yidhi “marka xaqiiqda laga hadlayo, laba dal oo isku biiray baanu ahayn, oo la kala odhan jiray (Somaliland iyo Soomaaliya), labadiiba waannu tuurnay oo waxaannu la baxnay Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasina meesha way ka baxday oo 1991-kii Somaliland baa abuurantay, immikana wax Soomaaliya la yidhaa ma jirto.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal oou waramay BBCsomali.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Somaliland oo marka hore maaha dalkii u horeeyay ee Saldhig yeeshay, waad aragtay dalka Jabuuti, intaas oo ummadood oo kala jaad ah bay isku keentay. Taas aad sheegayso (Soomaaliya) iyana waad aragtay, Maraykan baa saldhig ku leh oo Bali-doogle ka samaystay, Imaaraadka ku leh, Turkigaa degan oo saldhig Milateri kii ugu weynaa ku leh, markaa yaa u fasaxay inuu Turkigu ka samaysto saldhig Muqdisho iyo dhulka Soomaaliyeed, ileyn dowlad sharci leh oo midaysani kama taliso oo majirto.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS