BALIGUBADLE MEDIA
Fadeexad Weyn: Wasiirka Gaadiidka Oo Xilkii Qaranka U Gacal-Miisay Beeshiisa iyo Kooxda Jeegaanta
March 4, 2018 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka Somaliland Md Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa xilal sooc ah ku taxay beesha uu ka soo jeedo iyo xulafada Jeegaanta ee u bahoobay maroorsiga dalka. Waxa wasaaradda lagu soo xawilay agaasime-waaxeedyo ka soo jeeda Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco oo xilal ka hayay Wasaaradihii Kalluumaysiga iyo Hawlaha Guud. Waxaanu wasiirku wax xil ah ka ilaaliyay beelaha Garaxajis iyo beelaha aan ku jirin kooxda Jeegaanta loo yaqaanno.

Cabdillaahi Abokor waxa uu wasaaradda ku soo daabulay dhallinyaro ay isku deegaan yihiin oo aan waayo-aragnimo, cilmi iyo karti u lahayn xilalka dusha laga saarayo ee gacan-bidixaynta ah. Jagooyinka uu wasiirku u magacaabay qabiilkiisa waxa ka mid ah:

La-taliyaha Wasiirka

La-taliyaha Sharciga Ee Wasaaradda

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta iyo madax-xafiiseedyo badan.

Wasiir Cabdillaahi oo aad mooddo in uu ku jiro ololihii KULMIYE ee Saaxil ayaa si qaawan ugu sad-buriyay ardaagiisa. Inkasta oo uu Cumar Cabdillaahi Aadan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, wax saamayn ah kuma laha goaannada lagu xulanayo agaasime-waaxeedyada wasaaradda, waxaanu hadba ansixiyaa wixii Wasiirku u yeedhiyo.

Habdhaqanka noocan ahi waxa uu sii kala fogeynayaa ummadda Somaliland oo awalba ku kala durkay xanaftii doorashada. Waxa loo baahan yahay in Muuse Biixi Cabdi uu dabagal ku sameeyo hannaanka maamul ee wasiirrada uu dirtay.

Iyada oo hore loo sheegi jiray in aqoonta Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan ay tahay heerka dugsiyada hoose/dhexe, waxa uu habdhaqankiisu daaha ka qaadayaa masuuliyad-darrada, cunsuriyadda, naxliga eexda iyo qaraabakiilka aan gabbashada lahayn ee uu caadaystay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS