BALIGUBADLE MEDIA
Faaruqiinta Faysbuugga W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
March 14, 2018 - Written by admin

Sandadan dambe waxaa soo kordhay aalad casri ah oo bulshda
u sahlaysa in ay wada xidhiidhaan si dhib yar meelkasta oo ay
dunid ka joogaan aaladan oo ah shabakadda faysbuugga loo
yaqaan (facebook) ayaa waxa qabatimay soomaali badan
kuwaas oo hadh iyo habeenba ku foogan isticmaalkiisa oo ay
qarkood ku dhiig beeleen kadib markii ay mudo badan kusoo
jeedeen isticmalkiisa ,

Hadaba shabakadda faaysbuug oo faaiido iyo khasaaraba leh
taas oo ku xidhan hadba dhankii loo adeegsado ayaa waxa jira
soomaali badan oo si faaruqnimo ah u adeegsada kuwaas oo
qaababkan kala duwan u isticmaala.
Kuwo ka caytama
Waxa jira kuwo inta ay si toos ah u soo galaan ka caytama oo
caaya hadba cidii qancin wayda sida madaxda, qabiilo, dawlado,
siyaasi, cuqaal, iyo hadba cida ay sanifaan kuwaas oo ku caaya
hadba wixii afkooda ku soo dhaca iyagoon u aabo yeelayn.
Kuwo anshaxa ku tunta

Waxa kale oo jira kooxo iygauna anshaxa ku tunta oo waxay
doonaan ku sheekeeya mar marka qaarna soo dhiga sawro dad
caan ah oo lagu dhajiyey dad qaawan mar marka qaarna ku
baahiya sawirada lamaane aan is qabin oo ay sheegaan in ay
isguursan doonaan mustaqbalka.
Kuwo waxay doonaan sheegta
Waxa kale oo jira kuwo iyaguna waxay doonaan sheegta iyagoon
aqoon u lahayn sida dhakhtar, siyaasi, qoraa, suxufi, fanaan,
aqoonyahan, injineer, abwaan, iwm
Kuwo ka dhex ooya!
Waxa kale oo jira kooxo aad moodo inay xaga maskaxda yihiin oo
ka dhex ooya!
Iskuwada dar oo waxaan kula talin lahaa bulshada in dhanka
wanaagsan loo adeegsado aaladan iwm ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: [email protected]

COMMENTS