BALIGUBADLE MEDIA
Dowladda Mareykanka oo U Sacabo Tuntay Kulankii Dhexmaray Uhuru Kenyatta iyo Railla Odinga
March 10, 2018 - Written by admin

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa bogaadiyay “tallaabada wax ku oolka ah ee ay qaadeen madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

odingkau

Mr Kenyatta iyo Mr Odinga ayaa waxay balanqaadeen in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii sida wayn loogu tartamay ee Kenya ka dhacday.

Mr Tillerson oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in Kenya iyo Mareykanka “ay wadaagaan la dagaalanka argagixisada”, taasi oo uu ula jeedo ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Waxa uus idoo kale sheegay in Mareykanka ay doonayaan in fursado ganacsi oo dheeraad ah ay la yeeshaan Kenya.

Mr Tillerson, ayaa hasa yeeshee cambaareeyay go’aankii dowladda Kenya ay ku xirtay Telefishino ah kuwa madaxa banaan.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhamitay ka dib muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Horraantii sanadkan, Mr Odinga ayaa isu dhaariyay “madaxwaynaha shacabka ” waxa uuna diiday in uu Mr Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guulaystay oo uu madaxwayne yahay.

Horey waxa ay labada dhinac ugu gacan seyreen wadahadal ay yeeshaan

bbc somali

COMMENTS